Joan Laporta Iyo Florentino Perez Oo Iska Casilay Xubinnimadoodii Xidhiidhka FA-ga Spain


Madaxweyneyaasha kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ee Florentino Perez iyo Joan Laporta ayaa iska casilay xubinnimadoodii xidhiidhka kubadda cagta waddanka Spain oo ay ka mid ahaayeen boodhka maamulka, waxaana is-casilaaddooda lagu sheegay inay salka ku hayso ismaan-dhaaf u dhexeeyaha kooxaha ugu waaweyn Spain iyo xidhiidhka dalkaas.

Florentino Perez ayaa shaaciyey iscasilaaddiisa oo muujinaysa in Los Blancos aanay qayb ka ahayn xidhiidhka dalkaas, waxyar kaddibna waxa isla go’aankaas oo k’ale qaatay Joan Laporta.

Sida uu sheegay wargeyska Marca, laba warqadood oo kala duwan oo ay madaxweyneyaasha Real Madrid iyo Barcelona u qoreen xidhiidhka kubadda cagta Spain, ayaa waxay ku sheegeen in ay iskaga baxeen boodhka oo aanay qayb ka noqon doonin qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub ee Xidhiidhka.

Kooxahan ayaa rumaysan, in doorashada madaxweynaha cusub ee xidhiidhka kubadda cagta Spain uu abuurayo xaalad qas ah, taas daraadeedna ay uga fogaanayaan.

Perez iyo Laporta ayaa sannadihii ugu dambeeyey la arkayay iyaga oo ka mid ah xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF oo ay xafladihiisa ka qayb-geli jireen, waxaana iscasilaaddoodu ay imanaysaa iyadoo uu dhowaan is-casilay Luis Rubiales oo ay galaafatay dhunkasho uu kula kacay Jennifer Hermoso oo ka mid ahayd xiddigihii xulka Spain ee haweenka ee ku guuleystay Koobka Adduunka 2023.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*