Halyeygii Manchester United ee Roy Keane ayaa saadaal aan ka farxinin Jurgen Klop ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana uu naadigii ay xafiiltami jireen ee Reds u sheegay inay niyaddooda ka saaraan in ay ku guuleysan karayaan horyaalka.
Keane oo u dhashay Ireland ayaa waxa uu sheegay, in Liverpool ay u taallo shaqo badan oo qabyo ka ah oo ay tahay inay saxaan si ay ugu dagaallami karaan horyaalka, waxaana uu xusay in kooxda ugu cadcad ay tahay Manchester City oo ay mar kale ku guuleysan doonto.
Kaddib xilli-ciyaareed niyad-jab ahaa, Liverpool ayaa xilli-ciyaareedkan cusub waxay ku bilaabatay si fiican, iyagoo hal dhibic kaliya u jira Man City oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ku guuleysatay horyaalka.
Sida uu hadda u yaalla miiska kala-sarraynta ee Premier League oo la dheelay 12 ciyaarood, Liverpool waxay leedahay 27 dhibcood halka Manchester City oo hoggaanka haysa ay leedahay 28 dhibcood.
Reds ayaa waxa ay diiwaangashatay siddeed guulood, saddex barbarro ah iyo hal-guul-darro, laakiin Roy Keane waxa uu ku adkaystay in wali aanay u dhoweyn in ay Man City la tartamaan.
“Waxay ila tahay in aanay heer wanaagsan ku jirin bishii ama labadii bilood ee ugu dambeeyey Premier League.” Ayuu yidhi Roy Keane.
Waxa uu intaa ku daray: “Goolasha laga dhalinayay iyo tayadooda, Man City ayaa aad uga wanaagsan, kooxaha kalena waxay u baahan yihiin inay dhibaatadooda xallistaan. Anigu ma arakayo koox aan Man City ahayn oo xooggan, xataa haddii ay simbiririxdaan.”
Be the first to comment