RASMI: Xiddigaha Arsenal Ee Kulanka Newcastle Oo La Shaaciyey – Yaa Ka Maqan?


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa soo saaray liiska ciyaartoydiisa kulanka adag ee fiidka ee Newcastle United, kaas oo ay u baahan yihiin in ay kusoo laabtaan jidka guusha kaddib khasaarihii cuslaa ee kasoo gaadhay ciyaartii Carabao Cup ee West Ham ay 3-1 kaga reebtay tartankaas.

Gunners ayaa waxa ka maqan xiddigo ay tabtay kulankii West Ham oo muddo dheer dhaawacyo u jiifaya, waxaana ugu horreeya Gabriel Jesus oo tababare Arteta oo ka hadlayay xaaladdiisa Jimcihii uu yidhi: “Anigu ma damaanad-qaadi karayo in uu si dhakhso ah usoo laabanayo, waxaanan idiin sheegay inuu toddobaadyo maqnaanayo, laakiin way adag tahay marka la eego jadwalka waqtigan.|

Waxa kale oo Arsenal muddo toddobaadyo ah ka maqnaanaya Emile Smith Rowe oo dib ugu laabtay dhaawac uu kasoo kacay dhowaan, kaddina kusoo bilowday ciyaartii ay guusha weyn gaadheen toddobaadkii hore, hase yeeshee Thomas Partey ayaa isagana uu Arteta xaqiijiyey in uu dhaawaciisu dheeraan doono, kaddib markii uu 47 daqiiqadood kaga baxay ciyaartii Nottingham Forest.

Jurrien Timber oo dhaawacmay kulamadii ugu horreeyey ayaa ah ciyaartoyga kale ee muddada maqnaanaya, hase yeeshee shaxda Gunners ee maanta waxa dib ugu soo laaban doona David Raya oo uu kulankii Carabao Cup beddelay Aaron Ramsdale, William Saliba oo la nasiyey, Rice oo qaybta dambe bddel ku yimid, Odegaard oo waqti dambe soo galay kaddibna dhaliyey goolka madiga ah, Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka.

Liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka Newcastle ee maanta

Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, David Raya, James Hillson

Difaacyahanno: Cedric Soares, Takehiro Tomiyasu, Oleksandr Zinchenko, Ben White, Gabriel Magalhaes, Jakub Kiwior, William Saliba

Khadka Dhexe Mohamed Elneny, Jorginho, Declan Rice, Martin Odegaard, Kai Havertz, Fabio Vieira

Weeraryahanno: Leandro Trossard, Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Reiss Nelson, Eddie Nketiah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*