Muxuu Yahay Falka Doqonniimada Ah Ee Uu Sameeyey Marcus Rashford Ee Ka Cadhaysiiyey Erik Ten Hag?


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa u sheegay xiddiga reer England ee Marcus Rashford, in aan la aqbali karaynin wixii uu sameeyey Axaddii oo iyadoo kooxdiisa si xun ay u bahdishay Manchester City uu u tumasho tegay baararka lagu caweeyo ee magaalada.

Falkan oo algu tilmaamay damiir-xumo, ayaa waxa sawirro laga soo qaaday Marcus Rashford ay muujiyeen isaga oo ku sugan baar lagu tunto habeenkii oo lagu magacaabo Chinawhite, halkaas oo uu kusoo qaatay waqti farxadeed.

Marcus Rashford ayaa kaxaystay asxaabtiisa iyo xubnaha qoyskiisa, waxaanay habeenkii oo dhan ku maqnaayeen tamashle, sababtoo ah waxa uu u dabbaal-degayay xuska dhalashadiisa, waxaanu halkaas kasoo baxay waqti dambe maadaama maalintii xigtay ee Isniinta ay fasax ka ahaayeen tababarka.

Tababare Mikel Arteta oo la hadlay saxaafadda ayaa yidhi: “Haa, waan ogahay waxa uu sameeyey, waanan kala hadlay. Ma aha wax la aqbali karayo, waanan u sheegay isaguna raalligelin ayuu bixiyey. Waa arrin ay tahay in aanu gudahayaga ku dhamaysano.

Ten Hag waxa uu diiday in uu saxaafadda la wadaago nooca ganaaxa ee uu ku riday xiddiga England, hase yeeshee waxa uu kursiga kaydka dhigay ciyaartii Carabao Cup ee guul-darrada ee ay Newcastle ku karbaashtay 3-0, kana reebtay tartanka Carabao Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*