YAAB: Ciyaartoyda Arsenal Oo Iska Diiday Inay U Hoggaansamaan Mikel Arteta & Guul-darradii Ay Ka Dhaxleen


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa caddeeyey in ciyaartoydiisu ay iska indho-tireen oo ay u hoggaansami waayeen digniintii uu ka siiyey West Ham ka hor ciyaartii Carabao Cup ee Arbacadii ee sida xun loogu garaacay London Stadium.

Gunners ayaa laga reebay tartankan oo maraya wareegga siddeedda, waxaana ku tumatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee West Ham oo 3-1 ku karbaashtay.

Ben White ayaa iska dhaliyey goolka koowaad, laba kalena waxa raaciyey Mohammed Kudus iyo Jarrod Bowen, halka Martin odegaard oo waqti dambe soo galay uu Arsenal u keenay goolka madiga ah.

Mikel Arteta waxa uu ciyaartan nasiyey Bukayo Saka, William Saliba iyo Declan Rice oo uu kaydka dhigay qaybtii hore, balse markii ay soo galeen ayay awoodi waayeen in ay wax saamayn ah ku yeeshaan ciyaarta.

Tababaraha reer Spain oo la hadlay saxaafadda ayaa yidhi: “Aad ayaan uga niyad-jabsanahay natiijada iyo sida aanu u ciyaarnay intaba, aniga ayaana masuuliyadda qaadanaya.

“Waxa aan isku dayay in aan ciyaartoydayda uga digo West Ham 48 saacadood ak hor ciyaarta, waxaanan u sheegay in gebi ahaanba ay ciyaartani ka duwan tahay kuwii hore sababtoo ah waa Carabao Cup, waxaanay joogaan garoonkooda, laakiin ma aanay samaynin wixii aan u sheegay.”

Mikel Arteta waxa uu ku dooday in kooxdiisu ay si fiican ku bilaabatay ciyaarta oo ay kubaddana maamulaysay, laakiin uu beddelay goolkii uu iska dhaliyey Ben White.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*