Shanta Tababare Ee Laga Eryayo Horyaalka Premier League Iyo Sida Ay U Kala Horreynayaan


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa toddobaadyada soo socda ay seeftu qaadi doontaa tababareyaal la sheegay in haddaba la diyaarinayo qorista waraaqihii lagu caydhin lahaa iyadoo naadiyaduna ay sii bilaabeen in ay raadsadaan beddekooda.

Kooxaha Premier League ayaa ciyaaray min toban kulan oo horyaalka ah, waxaana qaarkood ay ka niyad-jabsan yihiin macallimiintooda oo shan ka mid ah la sheegay in ay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay.

Erik ten Hag oo tobankii ciyaarood ee Premier League shan ka mid ah laga badiyey kooxdiisa iyo Mauricio Pochettino oo si xun kula bilowday Chelsea balse usbuucyadii u dambeeyey u muuqanayay inay natiijooyin fiican helayaan ayaa ku jira shan tababare oo la sheegay in ay noqonayaan kuwa ugu horreeya ee shaqada laga caydhinayo.

Usbuuca soo socda oo ay naadiyadu dheeli doonaan kulamadoodii 11aad ayaa ay suurtogal tahay in lagu go’aamiyo mustaqbalka tababareyaasha shanta ah ee safka hore qaarkood, waxaana Erik ten Hag kaliya ka horreyn kara hal tababare oo isaga erigiisu uu kaabiga saaran yahay.

Paul Heckingbottom oo ah tababaraha Sheffield United oo ah kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League ayaa la sheegay in maalmaha soo socda uu waayi doono shaqadiisa, kaddib markii uu awoodi waayey in uu naadiga xataa hal guul ah ku hoggaamiyo.

Waxa ku xigaya Erik ten Hag oo xalay loo diiwaangeliyey rikoodhkii ugu xumaa Manchester United ay ka keento garoomada muddo 61 sannadood ah, kaddib markii ay Newcastle ka reebtay tartanka Carabao Cup oo ahaa koobkii ay United ku guuleysatay xilli-ciyaareedkii hore.

Tababaraha saddexaad ayaa lagu sheegay Andoni Iraola oo Bournemouth ah oo xalay ay Liverpool ka reebtay tartanka Carabao Cup iyo Vincent Kompany oo Burnley u maare la’ inkasta oo uu kasoo saaray heerka labaad xilli-ciyaareedkii tegay.

Mauricio Pochettino oo toddobaadyo ka hor ahaa macallinka ugu horreeya ee loo saadaalinayo in la eryayo ayaa hadda ka badbaaday walwalkii badnaa, waxaana uu ku jiraa kaalinta shanaad ee qiimaynta tababareyaasha ugu horreeya ee laga eryayo horyaalka Premier League.

Wargeyska The Sun oo qiimayn ku sameeyey tababareyaasha ay seeftu saaran tahay ayaa soo xulay shantan tababare iyo qiimaynta shaqo ka eryidooda:

  • Paul Heckingbottom (Sheffield United): 4/6
  • Erik ten Hag (Manchester United): 2/1
  • Andoni Iraola (Bournemouth): 15/2
  • Vincent Kompany (Burnley): 9/1
  • Mauricio Pochettino (Chelsea): 16/1
  • Steve Cooper (Nottingham Forest): 16/1

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*