“Dhulka Fadhiista Oo Afkiina Xidha…” – Sidii Uu Erik ten Hag U Bahdilay Ciyaartoyda Man United Kaddib Guul-darradii Man City Oo La Ogaaday


Tababaraa kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ciqaab adag marsiiyey ciyaartoydiisa kaddib guul-darradii cuslayd ee Axaddii ay kala kulmeen Manchester City oo 3-0 ku karbaashtay iyadoo kusoo booqatay Old Trafford.

Erik ten Hag ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay, waxa uu ciyaartoyda kooxdiisa ku qasbay in ay dhulka fadhiistaan gudaha qolka labbiska, kaddibna ay dhegaystaan dabbaal-degga ay samaynayaan ciyaartoyda Manchester City ee guusha weyn gaadhay.

Old Trafford oo ay waqti hore iskaga dareereen taageereyaasha Man United ee murugaysnaa, ayaa waxa uu tababare Erik ten Hag ku ciqaabay ciyaartoydiisa, in dhamaantood ay dhulka fadhiistaan oo ay dabada-dhulka dhigaan, kaddibna ay aamusaan oo aanu mid kali ahi afka kala-furin, isla markaana dhegaystaan sida ay ciyaartoyda Man City ugu dabbaal-degayeen qolka labbiska ee ku xiga.

Tababaraha reer Netherlands oo ay kooxdiisu toban ciyaarood oo horyaalka Premier League ah dheeshay ayaa laga badiyey shan ka mid ah, waxaanay ku jiraan xilli-ciyaareedkii ugu xumaa tan iyo sannadkii 1986kii.

Arbacada berri ayay sugaysaa ciyaar adag oo Carabao Cup ah oo ay ku ballansan yihiin Newcastle United oo ah kooxdii ay ku garaaceen finalkii xilli-ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*