Carabao Cup Oo Lagu Sameeyey Isbeddel Weyn Oo Sababay In Taageereyaashu Isweydiiyaan ‘Sida Uu U Shaqaynayo’


Tartanka Carabao Cup ayaa lagu samaynayaa isbeddel weyn oo lama filaan lagu tilmaamay, kaas oo isla markiiba ay jamaahiirta kubadda cagtu isweydiiyeen sida uu u shaqayn karayo isbeddelka noocaas ah oo waqtigan aanay filaynin.

Carabao Cup ayaa wareeggiisa 16ka la ciyaarayaa Arbacada, waxaana ciyaarta sida weyn loo sugayo ay tahay Manchester United iyo Newcastle United oo ahaa labadii kooxood ee finalka iskugu yimid xilli-ciyaareedkii hore.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Manchester United oo ku jirta xaalad adag ayaa qaabbili doonta Newcastle oo kusoo booqan doonta Old Trafford, waxaana haddii laga adkaado ay macasalaamayn doonaan mid ka mid ah koobabkii ay rajada ka qabeen in ay ku guu;leysan karayaan.

Tartankan oo inta badan kooxaha waaweyn ay ciyaarsiiyaan ciyaartoydooda aan fursadda badan ka helin horyaalka Premier League, ayaa waxa marka la gaadho semi-finalka laga dhigaa laba lugood oo ay kooxuhu marba garoon tegayaan.

Sababta ayaa ahayd il-dhaqaale, si EFL uu u badbaadsado lacag dhan £900 milyan oo Gini oo uu ka helo horyaalka Premier League oo sidoo kalena ku waafaqsan in aan kooxaha lagu riixin in ay ciyaartoydooda waaweyn dheelsiiyaan.

Telefishanka Sky Sports iyo kuwa maxalliga ah ee baahiya ciyaaraha Carabao Cup/EFL Cup, ayaa waxay ogolaadeen in EFL uu go’aamin karo in uu hirgeliyo isbeddellada waaweyn, waxaana ay meesha ka saari doonaan ciqaab lagu ridi karayay oo ku waajibin lahayd in EFL ay siiyaan warbaahinta lacag dhan £935 milyan oo Gini oo la xidhiidhay kulamada laba-lugoodka ah ee semi-finalka.

EFL ayaa kaddib heshiiskan waxay meesha ka saarayaan ciyaaraha labada lugood ah ee semi-finalka, waxaana gebi ahaanba tartankani uu noqon doonaa mid hal lug oo kaliya la ciyaaro si waqti hore loosoo gabogabeeyo.

Isbeddelkan ayaa waxa la dhaqan-gelin doonaa xilli-ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*