RASMI: Erling Haaland Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Gerd Muller Trophy Iyo Man City Oo Noqotay Kooxdii Sannadka


Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa ku guuleystay abaal-marinta Gerard Muller Trophy ee la siiyo ciyaartoygii ugu goolasha badnaa adduunyada sannadkii ugu dambeeyey, kaddib markii uu laacibkani dhaliyey 56 gool oo dhamaan tartamada ah xilli-ciyaareedkii tegay.

Erling Haaland ayaa 53 ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa waxa uu dhaliyey 52 gool, waxaana uu sidoo kale ku daray afar gool oo uu xulka dalkiisa u dhaliyey, waxaana uu gaadhay rikoodh goolal ah oo ay kaliya Lionel Messi, Crstiano Ronaldo iyo Robert Lewandowski gaadheen.

Abaal-marinta Gerd Muller trophy oo la siiyo ciyaartoyga ugu goolasha badan sannad walba, ayaa waxa uu Haaland ku mutaystay 36 gool oo horyaalka Premier League ah, 12 tartanka Champions League iyo goolal kale oo tartamada maxalliga iyo xulka qarankiisa ahaa.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu fiicnayd sannadka adduunyada, waxaana lagu maamuusay abaal-marinta lagu magacaabo ‘Ballon d’Or Team of The Year’.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*