Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ama samafalaha sannadka ee Socrates, kaddib shaqooyin binu-aadannimo oo tacab badan ah oo uu qabtay iyo in uu si weyn ula dagaallamay cunsuriyadda.
Abaal-marintan oo sannadkii hore uu ku guuleystay xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane, ayaa waxa sannadkan qaatay Vinicius Junior oo halgan adag la galay cunsuriyadda isaga oo la kulmayay canaan badan, sidoo kalena hanjabaado la kulmayay.
Laacibkan ayaa dedaalkiisa ku mutaystay in lagu maamuuso abaal-marinta Socrates oo loogu talo-galay in la siiyo ciyaartoyga shaqada badan ee binu-aadnimo ama u hiilinta dadka ka shaqeeya.
Socrates oo loogu magac-daray halyeygii Brazil ee Socrates ee isku-darsaday dhakhtarnimada oo uu dadka daaweyn jiray, saxafinimada, iyo ciyaartoynimada oo uu tabarucaad kale ku darsaday, ayaa waxa uu dalkiisa Brazil ka hirgeliyey dugsiyo waxbarashado oo uu ku bixiyey lacag ka badan 4 milyan oo Euro.
Be the first to comment