Abaal-marinnada xiddiga adduunka ee Ballon d’Or iyo Kopa Trophy ayaa caawa la bixin doonaa, waxaana lasii shaaciyey labada ciyaartoy ee ku kala guuleystay ee caawa la caleemo saari doono.
Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or markiisii siddeedaad, kaddib markii uu xulka qaranka dalkiisa Argentina u qaaday Koobka Adduunka bishii December ee sannadkii hore, sidoo kalena waxa abaal-marinta Kopa Trophy oo ah ciyaartoyga ugu fiican da’yarta dunida ku guuleystay kubbad-sameeyaha Real Madrid iyo xulka England ee Jude Bellingham.
Labadan ciyaartoyba waxay u safreen magaalada Paris oo ay kaga qayb-gelayaan xafladda oo fiidka hore dhici doonta.
Warbaahinta ayaa sheegtay, in Lionel Messi uu helay codadka ugu badan oo uu abaal-marinta Ballon d’Or ku garaacay Erling Haaland oo Manchester City kula guuleystay Champions League, FA Cup iyo Premier League.
Jude Bellingham ayaa isaguna helay ku-dhowaad 90% codadka laga dhiibtay Kopa Trophy ee xiddiga da’yarka kaddib bandhig heersare ah oo uu ka sameeyey garoomada 12kii bilood ee ugu dambeeyey.
Be the first to comment