Ciyaartoyda waaweyn ee kubadda cagta ayaa maanta kusii jeeda magaalada Paris ee waddanka Faransiiska, halkaas oo fiidka hore lagu bixin doono abaal-marinta Ballon d’Or ee xiddigii ugu fiicnaa sannadka, goolhayihii ugu wanaagsanaa, da’yarkii ugu fiicnaa iyo kooxdii sannadka, iyadoo sidoo kalena la shaacin doono goolkii ugu quruxda badnaa, xiddigtii sannadka, tababarihii sannadka iyo abaal-marinno kale.
Sannadkii hore, waxa abaal-marinta Ballon d’Or ku guuleystay Karim Benzema oo xilli-ciyaareed cajiib ahaa la qaatay Real Madrid oo uu kula guuleystay Champions League iyo horyaalka LaLiga, balse ka tegay xagaagii oo u wareegay Al-Ittihad oo horyaalka Sucuudiga ah.
Isniinta maanta, Lionel Messi ayaa la sheegay in uu ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or maadaama uu ku guuleystay Koobka Adduunka sannadkii tegay, taas oo ka dhigaysa in uu qaadanayo markiisii siddeedaad, waxaana uu kasii fogaanayaa Cristiano Ronaldo oo shan jeer ku guuleystay.
Su’aasha muhiimka ah ee la isweydiinayo ka hor xafaladda caawa ayaa waxay tahay, miyaa wax lacag ah la siiyaa ciyaartoyga ku guuleysta abaal-marinta Ballon d’Or? Haddii ay jirtose waa immisa lacagtaasi?
Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, abaal-marinta Ballon d’Or oo uu culayskeedu yahay toddoba kiiloo-garaam oo dahab ah, ma jirto lacag toos ah oo la siiyo ciyaartoyga ku guuleysta, laakiin waxa jira lacago meelo kale uga yimaadda ciyaartoyga ku guuleysta.
Sannadkii 2018, Luka Modric oo ku guuleystay abaal-marintan ayaa waxa lacag dhan €800,000 Euro siisay shirkadda Nike ee uu kula jiro xayaysiiska, halka markii ugu dambaysay ee Cristiano Ronaldo uuq aaday ay shirkaddu siisay €4 milyan oo Euro.
Sannadkii hore markii uu Karim Benzema ku guuleystay, Real Madrid ayaa waxay siisay lacag dhan €2 milyan oo Euro, maadaama heshiiskiisii cusbaa uu sidaa dhigayay.
Be the first to comment