Arsene Wenger Oo Magacaabay LABADII Arrimood Ee Manchester United Ku Qaldantay Kulankii Man City Ee Axaddii


Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa soo bandhigay laba arrimood oo sabab u ahaa guul-darradii weynayd ee Manchester United ay shalay kala kulantay Man City oo marti ugu ahayd Old Trafford, taas oo ku karbaashtay 3-0 iyo waliba kubadda oo loo diiday oo ay ku silceen gudaha garoonkooda.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa siday doonaan ka yeelay Manchester United oo garoonka dhax jiid-jiiday, waxaana laba ka mid ah goolasha ka dhaliyey Erling Haaland iyadoo waqti dambe uu Phil Foden ku daray goolka saddexaad.

Manchester United ayay u ahayd guul-darradii shanaad ee toban ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo ay dheeshay xilli-ciyaareedkan socda, taas oo ka dhigan in ay ku jirto xilli-ciyaareedkii ugu xumaa tan iyo 1986/87kii, waqtigaas oo sidan oo kale ay ku dhacday tobankii ciyaarood ee ugu horreeyey.

Arsene Wenger oo ku sugnaa istuudiyaha telefishanka beIN Sports oo uu ciyaartan ka falanqaynayay, ayaa waxa uu sheegay, in laba arrimood oo qalad ahaa oo ay sameeyeen ciyaartoyda Manchester United ay keentay guul-darradan culus.

Sababta koowaad ayuu Wenger ku sheegay in ay ahayd isku-xidhnaan la’aan ciyaartoyda dhaxdooda ah oo aanay wada-shaqaynayn, sidoo kalena ay haysatay kalsooni-darro, labadaas arrimoodna sabab u ahaayeen guul-darradan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*