Ten Hag Oo Loo Sheegay Inuu Kabtannimada Ka Wareejiyo Bruno Fernandes


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa loo sheegay in uu kabtannimada ka xayuubiyo xiddiga khadka dhexe ee kooxdaas ee Bruno Fernandes, kaddib guul-darradii cuslayd ee Axaddii ay kala kulmeen Manchester United.

Fernandes oo kabtannimada lagu wareejiyey xagaagii iyadoo laga qaaday Harry Maguire ayaa waxa canaan badan uu ku mutaystay qaabkii uu u dhaqmay ciyaartii shalay.

Xiddiga reer Portugal oo inta badan xilli-ciyaareedkii hore xidhnaa kabtannimada maadaama uu si joogto ah ugu soo bilaabanayay isla markaana uu kaydka ku jiray Harry Maguire, ayaa waxa hore loogu dhalliilay sidii uu garsooreyaasha u weeraray ciyaartii ay Liverpool 7-0 ku garaacday Man United xilli-ciyaareedkii hore.

Sidoo kale, waxa aad loo saluugay kulankii Manchester City ee shalay oo ay halyeeyadii Red Devils ee Gary Neville iyo Roy Keane si xun u jarjareen.

Kabtankii hore ee Man United ee Roy Keane oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Arrinta ugu horreysa ee laga doonayo Ten Hag waa in uu beddelo kabtanka. Bruno Fernandes ma aha kabtan, waa qof mar walba qaylinaya oo yooyootamaya.

“Gebi ahaanba waxa uu u dhaqmayaa si ka baxsan anshaxa looga baahan yahay kabtannimada.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*