Booliska waddanka Colombia ayaa hadda ku dhawaaqay in ay soo badbaadiyeen aabbaha dhalay xiddiga Liverpool ee Luis Diaz oo ay afduubteen koox budhcad ah oo doonaysay in laacibkan ay ka qaataan madax-furasho malaayiin ah.
Luis Diaz ayay xalay u ahayd habeen murugo leh oo aanu seexanin, waxaana xanuunka la qaybsanayay ciyaartoyda kooxdiisa Liverpool oo iska illoobay in ay maanta ciyaarayaan maadaama uu saaxiibkood ku jiray xaalad murugo leh.
Saqdii dhexe ee xalay ayuu soo baxay warka sheegaya in la afduubtay hooyada iyo aabbaha dhalay Luis Diaz oo ay koox budhcad ah ka kaxaysteen gurigooda, isla markaana dalbadeen lacag madax furasho ah, laakiin subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxay booliska dalka Colombia saxaafadd au sheegeen in ay soo badbaadiyeen Cilenis Marulanda oo ah hooyada dhashay Luis Diaz.
Budhcadda ayaa waxa meel kale oo aan la garanayn ay la tageen Luis Manuel Diaz oo ah aabbaha dhalay xiddiga Liverpool, waxaanay boolisku ka waayeen goobtii ay kasoo heleen Cilenis Marulanda.
Daqiiqado ka hor ayaa waxa haddana soo dhacay war farxadleh oo sheegaya in boolisku ay ku guuleysteen in ay soo badbaadiyaan Luis Manuel Diaz kaddib dagaal ay laba qof ku dhinteen oo dhax-maray budhcadda afduubka geysatay iyo booliska.
Warbaahinta maxalliga ah ee gobolka La Guajira ee waddanka Colombia ayaa waxay sheegeen, in boolisku ay dileen laba ka mid ah afar qof oo afduubka geystay, isla markaana ay soo badbaadiyeen Luis Manuel Diaz oo caafimaad qaba, laakiin ay budhcaddu u geysteen jugo iyo naxdin dhibaato badan ku haysay.
Be the first to comment