RASMI: Mikel Arteta Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kala Hor Tegayo Chelsea – Bukayo Saka Iyo William Saliba Oo Madax-xanuun Ku Riday


Mikel Arteta ayaa rajaynaya in uu sii wadan doono guulaha xilli-ciyaareedkan oo ay kooxdiisu hoggaanka Premier League si buuxda ula wareegi doonto maanta marka ay garoonka Stamford Bridge ku booqdaan Chelsea, laakiin waxa qorshihiisa kala dhantaalaya saddexda ciyaartoy ee Bukayo Saka, William Saliba iyo Leandro Trossard.

Arteta ayaa la tashan doona dhakhaatiirta oo uu xogtooda go’aan kaga gaadhi doiono inuu ciyaarsiiyo Saka iyo Saliba, sababtoo ah Jimcihii ayuu sii sheegay in ciyaartoydan aanu hubin in ay taam buuxa noqonayaan, balse waxa uu kusoo daray liiska xiddigihiisa ciyaarta Chelsea ee maanta.

Gunners oo aanu qorshaha ugu jirin Jurrien Timber oo ilaa sannadka dambe maqnaan doona, waxa Mikel Arteta uu ka hadlay Bukayo Saka, waxaanu yidhi: “Waa hubaal in uu doonayo inuu ciyaaro kulanka Chelsea, laakiin anigu ma doonayo in aan khatar geliyo.

“Waxa uu fasax uu u baahnaa ku jiray maalmo, waxaanu u baahnaa daawooyin iyo tababar uu diyaar ugu noqdo Chelsea. Go’aan ayaanu ka gaadhi doonaa waqti dambe.”

Saka oo kusoo bilowday 83 ciyaarood oo Premier League ah oo xidhiidh ah ka hor intii aanu dhaawac ku seegin ciyaartii Manchester City ay guusha ka gaadheen, ayaa waxa hadda lagu soo daray liiska ciyaartoyda maanta.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda Arsenal lagu soo daray William Saliba oo kasoo kabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Manchester City oo sababtay in laga saaro liiska xulka qaranka France ee kulamadii caalamiga ahaa ee bishan.

Liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka Chelsea oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: David Raya, Aaron Ramsdale.

Difaacyahanno: Ben White, Takehiro Tomiyasu, William Saliba, Jakub Kiwior, Gabriel Magalhaes, Oleksandr Zinchenko.

Khadka Dhexe: Jorginho, Declan Rice, Thomas Partey, Martin Odegaard, Fabio Vieira, Emile Smith-Rowe, Kai Havertz.

Weerarka: Bukayo Saka, Gabriel Jesus, Eddie Nketiah, Gabriel Martinelli, Leandro Trossard.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*