Xiddigaha Liverpool Ee Kulanka Maanta Ee Everton Oo Lasoo Saaray, LIX Ciyaartoy Oo Maqan Iyo Go’aan Laga Gaadhay Cody Gakpo


Kooxda kubadda cagta Liverpool waxay goordhow garoonkeeda Anield kusoo dhoweyn doontaa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Everton, waxaanay ciyaartoodu bilaabmi doontaa 2.30pm waqtiga Geeska Afrika.

Jurgen Klopp ayaa soo dhoweyn doona Sean Dyche oo ay kooxdiisu maalmihii ugu dambeeyey jiibta iyo jaanta isla heshay, isla markaana u muuqda inuu xal u helay mushkiladdii ay Everton ku bilaabatay xilli-ciyaareedka oo mar gaadhsiiyey in su’aal la geliyo mustaqablkiisa.

Reds ayaa ciyaartan waxa ka maqnaanaya dersin ciyaartooyo ah oo uu ugu horreeyo Andy Robertson oo garabka kaga soo dhaawacmay ciyaarihii caalamiga ahaa, isla markaana lagu samayn doono qalliin, kaas oo saamayntiisii heerka sare ahayd laga tebi doono Anfield maanta.

Ka sokow Andy Robertson, waxa kale oo Liverpool ka dhaawacan Ben Doak oo muruqa waxyeello kasoo gaadhay u jiifa, Conor Bradley oo dhabarka ka dhaawacmay, Stefan Bajcetic oo muruq ah iyo Thiago Alcantara oo illaa hadda u jiifa dhaawac soo gaadhay bishii March.

Laakiin warka wanaagsan ayaa waxa uu yahay in Reds ay dib u heshay oo liiska ciyaartoyda kooxda ee maanta lagu soo daray weeraryahanka reer Netherlands ee Cody Gakpo oo kasoo doogay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii guul-darrada ee Tottenham, balse waqti dambe ayaa uu Jurgen Klopp la tashan doonaa dhakhaatiirta oo go’aan uu ka gaadhi doonaa haddii uu ciyaarsiinayo iyo haddii kale.

Waxa kale oo dib ugu soo laabtay Liverpool Diogo Jota oo kasoo noqonaya ganaaxa uu sababay casaan la siiyey ciyaartii Tottenham, laakiin waxa maqnaanaya Curtis Jones oo ganaax saddex ciyaarood ah la saaray.

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Everton ee maanta

Goolhaye: Adrian, Caoimhin Kelleher, Alisson Becker.

Difaacyahanno: Joe Gomez, Joel Matip, Ibrahima Konate, Jarell Quansah, Kostas Tsimikas, Luke Chambers, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk.

Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Harvey Elliott, Ryan Gravenberch, Wataru Endo.

Weerarka: Darwin Nunez, Diogo Jota, Luis Diaz, Mohamed Salah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*