Qorshaha Cajiibka Ah Ee Real Madrid Ee Suuqa Iibka Ciyaartoyda 2024 – Immisa Xiddig Ayaa U Calaamadsan?


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dejisay qorshaheeda suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga 2024, waxaanay meel ku calaamadsatay saddex laacib oo aanu ku jirin da’yarka Brazil ee Endrick ee ay kasoo iibsadeen Palmeiras oo waqtiga uu imanayo Santiago Bernabeu uu ku beegan yahay bisha June.

Endrich oo da’diisu ay tahay 17 jir, ayaa la filayaa in uu Santiago Beranbeu yimaaddo xagaaga, iyadoo isugeyn lacagta kaga baxday Real Madrid ay noqon doonto €70 milyan oo Euro oo ay ku khamaartay laacibkan oo ay iibkiisa sii xaqiijiyeen isaga oo 16 jir ah.

Sida uuq oray wargeyska aadka looga akhristo Spain ee Relevo, Real Madrid ayaa waxa kale oo ay la saxeexan doontaa saddex ciyaartoy oo kale oo ah difaac bidix, difaac midig iyo Kylian Mbappe oo ah bartilmaameedkooda koowaad oo ay waliba rajaynayaan inay bilaash kaga soo qaadan doonaan PSG.

Kooxda tababare Carlo Ancelotti ayaa waxa ay hore u calaamadsatay Alphonso Davies oo difaaca bidix uga ciyaara Bayern Munich oo ay doonayaan inay ku beddelaan Ferland Mendy oo ay saluugsan yihiin, waxaana Davies ay ku tartami doonaan booskaas Fran Garcia.

Waxa kale oo ay Real Madrid doonaysaa difaac midig oo tayadiisu sarrayso oo ay diyaarsadaan beddelka Dani Carvajal oo 31 jir ah iyo Lucas Vazquez oo 32 jir ah oo cimrigooda ciyaareed gabaabsi kusii dhowaanayo, iyadoo waliba Vazquez uu qandaraaskiisu ku egyahay June 2024.

Real Madrid lama aanay saxeexanin weeraryahan rasmi ah markii uu ka tegay Karim Benzema oo xagaagii uga wareegay Al-Ittihad, waxaanay si ku-meelgaadh ah amaah ugu soo qaateen Joselu oo ay kala soo wareegeen Espanyol, waxaana bannaan garanka No.9 oo ay la sugayaan Karim Benzema.

Carlo Ancelotti ayaa beddelay xeeladda ciyaareed ee kooxdiisa, waxaana uu u guuray qaab ah 4-1-2-1-2 maadaama uu meesha ka baxay No.9-kii dhamayska tirnaa ee Karim Benzema, waxaanay booskaas la sugayaan Kylian Mbape.

24 jirka reer France oo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan ayay Madrid doonaysaa in bisha January ee foodda inagu soo haysa ay heshiiskiisa shaqsiga ah sii dhamaystirto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*