Neymar Jr Oo Macasalaameeyey Xilli-ciyaareedkan Bilowga Ah Iyo Brazil Oo Waayi Doonta Tartanka Copa America


Xiddiga reer Brazil ee Neymar Junior ayaa muddo dheer ka maqnaan doona garoomada, kaddib dhaawac cculus oo Jilibka kasoo gaadhay ciyaartii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee guul-darrada 2-0 ay kasoo gaadhay dalkiisa ee ay martida u ahaayeen Uruguay.

Brazil ayay iskugu darsameen laba murugo oo ahaa dhaawaca Neymar Jr iyo in aanay wax guul ah arag labadii ciyaarood ee isreeb-reebka ee bishan October, waxaana ciyaartii hore barbarro 1-1 ah ay la galeen Venezuela, kaddibna waxa 2-0 ku garaacday Uruguay oo sidoo kalena ka dhaawacday Neymar.

Neymar ayaa garoonka laga dhax-qaaday isaga oo ooyaya, waxaana la xaqiijiyey in jilibka uu kasoo gaadhay jabniin carjowda ah (ACL) oo ay qasab tahay in uu galo qalliin, muddo dheerna uu maqnaan doono.

Kooxda kubadda cagta Al Hilal ayaa sheegtay, in Neymar oo xagaagii ay kasoo iibsatay Paris Saint-Germain, in uu dhaawaciisu yahay ACL sida ay muujiyeen sawirrada laga qaaday, waxaana loo ballamiyey qalliin lagaga sameeyo jilibka oo laba meelood ah, waxaana qalliinka lagu samayn doonaa maalmaha soo socda.

Neymar oo ah ciyaartoyga labaad ee reer Brazil ah ee xilli-ciyaareedkan uu soo gaadho dhaawac culus oo jilibka ah oo ACL ah ayaa waxa ka horreeyey Eder Militao oo bishii August ay Real Madrid weyday, waxaana labadooduba ay maqnaanayaan inta ka hadhay xilli-ciyaareedka, inkasta oo warar dhowaan soo baxay ay sheegayaan in Militao uu usoo noqon doono Madrid bilaha February ama March.

Si kastaba ha ahaatee, Neymar oo dhaawacyo badan oo qalliino kala duwan uu ku galay ay soo gaadheen, ayaa waxa uu laba bilood ka hor kusoo laabtay garoomada markii uu kasoo kabtay dhaawac kuraanta ahaa, waxaana hadda shaki la gelinayaa in uu ka qayb-geli karayo tartanka Copa America ee bisha June.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*