Muxuu Yahay Sharciga Cusub Ee UEFA Ee Ku Qasbaya Inuu Waddan Kale U Ciyaaro Xiddig Ka Tirsan Xulka England?


Xiddiga reer England ah ayaa lagu qasbi doonaa in uu u dheelo waddan kale ka hor inta aan la gaadhin waqtiga uu bilaabmayo tartanka Euro 2024 oo la sheegay in aanu laacibkani qayb ka noqon doonin, isla markaana aanu tababare Gareth Southgate kalsooni badan ku qabin.

UEFA ayaa Arbacadii shaacisay, in tartanka Euro 2024 la dhimi doono tirada ciyaartoyda loo ogol yahay xul kasta oo kaliya lagu soo koobi doono 23 ciyaartoy oo uga soo qayb-geli doona, halka ay markii hore ka ahayd min 26 ciyaartoy.

Min saddex ciyaartoy oo loogu kordhiyey dalalka waqtigii uu jiray xanuunka COVID-19, ayaa hadda laga jarayaa waddan kasta, waxaanay taasi madax-xanuun ku noqon doontaa tababare Gareth Southgate oo haysta ciyaartooyo tiro badan oo uu kala doorto.

Weeraryahanka Arsenal ee Eddie Nketiah ayaa la sheegay in aanu qayb ka noqon doonin xulka England ee Euro 2024, waxaana uu ka mid noqon doonaa saddexda la dhimayo, inkasta oo uu ka mid ahaa liiskii ugu dambeeyey ee ciyaarihii saaxiibtinimo.

Arrintan ayaa la sheegay in Eddie Nketiah ay ku qasbi doonto in uu u ciyaaro xulka qaranka uu u dhashay ee Ghana oo dedaal ugu jira sidii ay ugu qancin lahaayeen in uu qaato go’aan uu xulka dalkiisa aabbihii iyo awoowyaashii ugu ciyaaro.

Chris Hughton oo ah tababaraha qara ka Ghana ayaa dhowaan shaaciyey in ay rajaynayaan in Eddie Nketiah uu ka mid noqon doono xulka qaranka Black Stars.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*