Man United Oo La Saxeexanaysa Xiddig Premier League Ah, Sheikh Jassim Oo Iibsanaya Koox Kale Oo Premier League Ah, Mourinho Oo Shaqo La’aan Ku Dhacayso


Tababaraha Roma ee Jose Mourinho ayaa la filayaa in uu ka tago kooxdaas marka uu dhamaado qandaraaskiisa oo ku eg bisha June ee sannadka dambe, mana jiraan wax wada-hadallo ah oo ay kooxdiisa yeesheen. (Football Italia)

Tababarihii hore ee kooxaha Juventus, Chelsea iyo Tottenham ee Antonio Conte ayaa sheegay in maalin uun uu tababare u noqon doona Roma ama Napoli, isaga oo horena iskaga diiday inuu noqdo tababaraha xulka qaranka Sucuudiga ka hor intii aan loo magacaabin Roberto Mancini. (Corriere della Sera)

Juventus waxay sii waddaa raacdada ay ugu jirto 28 jirka khadka dhexe uga ciyaara Juventus ee Pierre-Emile Hobjerg oo u dhashay waddanka Denmark, kaas oo la sheegay in ay Spurs ku iibinayso £30 milyan oo Gini, laakiin waxa ku haysata Atletico Madrid oo kula tartamaysa. (La Gazzetta dello Sport)

Manchester United waxay doonaysaa difaaca kooxda Crystal Palace iyo xulka England ee Marc Guehi oo sidoo kale ay doonayaan tiro kooxo Premier League ah. (Football Insider)

Maalqabeenka reer Qatar ee Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa mar kale kusoo laaban karaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu doonayaa in uu iibsato Tottenham, kaddib markii uu ka laabtay Manchester United. (Mirror)

Erik ten Hag ayaa la filayaa in gacanta laga geliyo lacag uu ciyaartooyo cusub kusoo iibsado, haddii uu Sir Jim Ratcliffe iibsado 25% Manchester United, iyadoo hadda meel fiican uu marayo qorshaha uu bilyaneerka reer UK ku iibsanayo saamiyada kooxda. (Guardian)

Aston Villa waxay ka fiirsanaysaa in ay heshiis cusub u bajdhigto xiddigeeda reer Jamaica ee Leon Bailey oo 26 jir ah, iyadoo qandaraaskiisa hadda uu dhamaanayo June 2025. (Football Insider)

Arsenal ayaa doonaysa in ay qandaraaska u kordhiso difaaceeda reer England ee Ben White oo 26 jir ah. (Fabrizio Romano)

Manchester City iyo West Ham ayaa mid walba ay doonaysaa in ay la saxeexato difaaca bidix ee Chelsea ee Ian Maatsen oo qandaraaskiisa Chelsea uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan. Barcelona ayaa sidoo kala lala xidhiidhinayaa 21 jirkan. (Teamtalk)

Difaaca dhexe ee reer Geramny ee Malick Tiaw oo 22 jir ah, ayaa waxa uu doonayaa in uu sii joogo AC Milan, inkasta oo ay xiisaynayaan kooxaha Real Madrid iyo West Ham. (Calcio Mercato)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*