Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa isbeddello badan ku samayn doona shaxdii uu Jimcihii kula ciyaaray Australia oo kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay Wembley Stadium ay kaga badiyeen 1-0, balse waxa uu adeegsan doonaa hubkiisa culus iyo xiddigihiisa waaweyn ciyaarta adag ee Talyaaniga.
England ayaa waxay garoonka Wembley kusoo dhoweyn doonaan Talyaaniga, kulan xaasaasi ah oo labada xulba ay u baahan yihiin in ay guuleystaan.
Igiriiska oo hoggaaminaya Group C ayaa haddii uu guuleysto waxa uu yeelan doonaa 16 dhibcood, waxaanu si toos ah ugu gudbi doonaa tartanka Euro 2024 ee sannadka dambe lagu qabanayo Germany, halka Talyaaniga oo 10 dhibcood haysta, kuna jira kaalinta labaad ay u baahan yihiin guul, si ay uga baxsadaan Ukraine oo ay isku dhibco yihiin balse hal ciyaar oo dheeraad ah dheeshay.
Gareth Southgate ayaa waxa uu kulanka Talyaaniga samayn doonaa siddeed isbeddel iyadoo difaaca bidix uu geyn doono Kieran Trippier maadaama ay dhaawacan yihiin Luke Shaw iyo Ben Chilwell, halka Marcus Rashford, Harry Kane, Jude Bellingham iyo Declan Rice ay ugu soo noqon doonaan boosaskooda maadaama ciyaartii hore ee Australia la nasiyey.
Waxa kale oo safka koowaad kusoo noqon doona Jordan Pickford, Kyle Walker, John Stones iyo Phil Foden, iyadoo kaydka loo dhaadhicin doono laacibka ay jamaahiirtu ku ooriyeen ee Jordan Henderson oo ciyaartii Australia ay ku booqeen kooxaha u ololeeya Qowmu-luudka ee uu hore u taageeri jiray oo ka cadhaysan in uu tegay Sucuudiga.
Waatan shaxda uu Talyaaniga kala hortegi doono Italy
Be the first to comment