Bayern Munich Oo Fasaxday LIX Ciyaartoy Maalmo Kaddib Magacaabistii Vincent Kompany


Kooxda kubadda cagta Bayer Munich ayaa waxa ay go’aamisay in ay iska dirto oo ay safkeeda ka saarto tiro ciyaartooyo kooxda koowaad ah oo saamayn ku leh qolka labbiska, si tababare Vincent Kompany uu caynaanka ugu qabto koox ay ku urursan yihiin ciyaartooyo tartameyaal dhab ah oo awood u leh inay koobab ku guuleysato, kaddib xilli-ciyaareed ay faro-madhnaan ku dhamaysteen oo aanay wax koob ah qaadin.

Kompany ayaa noqonaya tababaraha cusub ee Bayern Munich, waxaanu saxeexay heshiis saddex sannadood ah isaga oo beddelay Thomas Tuchel, waxayse Bavaria bixisay £10 milyan oo Gini oo ay u shubtay Burnley.

Bayern Munich oo xilli-ciyaareedkii hore 18 dhibcood ka dambaysay Bayer Leverkusen oo horyaalka ku guuleysatay, isla markaana ku dhamaysatay kaalinta saddexaad oo xataa booska kaalinta saddexaad ay ka xoogtay Suttgart, ayaa waxa ay qorshaynaysaa inay la saxeexato ciyaartooyo waaweyn, balse ay meesha ka saarto xiddigaha aanu mustaqbalkoodu suganyn.

Wariyaha ciyaaraha Sky Sports ee Florian Plettenberg ayaa waxa uu sheegay, in Bayern Munich ay qorshaynayso inay iibiso lix ciyaartoy oo qaarkood ay qandaraasyadooda waqti kooban oo sannad ah ka hadhsan yihiin iyo kuwo kale oo saluugsan sii joogista kooxda.

Lixda ciyaartoy ayaa kala ah Matthijs de Ligt, Joshua Kimmich, Leon Goretzka, Kingsley Coman, Serge Gnabry, iyo Noussair Mazraoui.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*