Maxay Ahayd Sababtii Uu Alisson Becker U Xidhay No.110 Kulankii Mexico vs Brazil Ee Xalay?


Goolhayaha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Alisson Becker ayaa xidhay lambar lama filaan ah ciyaartii xalay uu xulka qarankiisa Brazil 3-2 kaga adkaaday Mexico, taas oo ahayd kulan saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayeen ciyaaraha qaramada Latin America.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Kyle Field ee Texas, USA ayaa waxa laba gool la hormaray xulka qaranka Brazil, iyadoo labada gool ay u kala dhaliyeen Andreas Pereira iyo Gabriel Martinelli, hase yeeshee Mexico ayaa ka daba timid oo ay laba gool u keeneen Julian Quinones iyo Guillermo Martinez Ayala oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Dheemanka Real Madrid ee Endrick ayaase guusha ku hoggaamiyey xulka Brazil, waxaana daqiiqaddii 90+7 uu madax ku dhamaystiray kubbad uu ka helay Vinicius Junior, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Brazil.

Hadal-hayn badan ayaa waxa ay ka dhalatay lambarkii uu xidhnaa goolhaye Alisson Becker oo ahaa kabtanka xulka Brazil ee xalay kaddib markii uu laacibkani garoonka soo galay iyadoo dhabarka ay kaga xadhan tahay ‘Alisson 110’.

Sababta uu Alisson BeckerĀ  usoo xidhay lambarkan ayaase waxa mar dambe faahfaahin ka bixisay warbaahinta waddanka Brazil, waxaana uu ku xusayey sannad-guuradii 110aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay xulkii ugu horreeyey ee Brazil u safta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*