Real Madrid Oo Dunta Ku Xidhatay Florian Wirtz Iyo Waqtiga Heshiiskiisa La Dhamaystirayo


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qorshaheeda ku darsatay xiddiga reer Germany ee Florian Wirtz  oo ay doonayaan inay la saxeexdaan, isla markaana ku xoojiyaan safkooda si ay usii wadaan guulaha waaweyn ee ay xilli-ciyaareedkii tegay kasoo hooyeen garoomada.

Real Madrid oo isku darsatay Champions League, LaLiga iyo Spanish Super Cup, ayaa waxa ay Isniintii toddobaadkii hore ku dhawaaqday heshiiska xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, haddana waxa ay u jeedsadeen dhinaca Florian Wirtz.

Kubbad-sameeyahan reer Germany oo sabab u ahaa guulihii waaweynaa ee ay gaadhay Bayer Leverkusen xilli-ciyaareedkii tegay oo ay laba koob oo kala ahaa horyaalka Bundesliga iyo German Cup isku darsatay, ayaa waxa ay Real Madrid doonaysaa inay ka dhigato beddelka Toni Kroos oo ciyaaraha ka fadhiistay.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid ayaa waxa ay go’aansatay in ay u dhaqaaqdo saxeexa Florian Wirtz xagaaga sannadka dambe ee 2025, waqtigaas oo laba sannadood ay ka hadhsanaanayaan qandaraaskiisa Bayer Leverkusen.

Laacibkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu doonayo inuu tago Real Madrid oo uu u arko inay tahay kooxda ka caawinaysa inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*