Real Madrid Oo La Saxeexanaysa Xiddig €150 Milyan Oo Euro Ah Kaddib Heshiiskii Kylian Mbappe


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kaddib markii ay gacanta ku dhigtay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, waxa ay u dhaqaaqaysaa saxeexa weeraryahan kale oo dilaa ah oo ay ka bixinayso lacag gaadhaysa 150 milyan oo Euro.

Los Blancos ayaa uu qorshaheedu yahay in xilli-ciyaareedka soo socda uu noqdo mid kulmiya xiddigo waaweyn oo ku midaysan Santiago Bernabeu, kuwaas oo ay hormood u noqonayaan Kylian Mbappe oo heshiis shan sannadood ah saxeexay iyo Vinicius Junior.

Mbappe oo 308 ciyaarood oo uu u saftay PSG u dhaliyey 256 gool, ayaa waxa uu qolka labbiska la wadaagi doonaa Jude Bellingham, Rodrygo Goes, Vinicius Junior iyo Endrick, hase yeeshee qorshaha madaxweyne Florentino Perez ayaa ah in uu wali sii wado saxeexyada oo uu keeno xiddigo kale.

Sida uu qoray wargeyska BILD ee kasoo baxa waddanka Germany, Real Madrid ayaa diyaarinaysa €150 milyan oo Euro oo ay u qorsheeyeen inay kula saxeexdaan xiddiga reer Germany ee Florian Wirtz.

21 jirkan oo xilli-ciyaareedkii tegay 49 kulan u saftay Bayer Leverkusen ayaa u dhaliyey 18 gool iyo 20 kale oo uu caawiyey, waxaana qandaraaskiisa Leverkusen uu soconayaa illaa sannadka 2027, hase yeeshee Madrid ayaa waxa uu qorshaheedu yahay inay lasoo wareegaan xagaaga dambe ee 2025.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*