QIIMAYN: 20kii Goolhaye Ee Wanaagsanaa Taariikhda Premier League Oo La Shaaciyey


Goolhayeyaashii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, waxa ay qaar badan oo ka mid ah ka dheeleen horyaalka Premier League, gaar ahaan sannadihii 1990-meeyadii illaa laga soo gaadhayey 2020-meeyada hadda lagu jiro, waana muddada uu koboca iyo horumarka ugu badan sameeyey horyaalka kubadda cagta Ingiriiska ee Premier League.

Qiimayn lagu sameeyey goolhayeyaashii ugu fiicnaa, ayaa lagu soo xulay 20kii ka duwanaa kuwa kale ee tilmaamaha gaarka ah lahaa, kuwaas oo loo xushay inay yihiin kuwii ugu fiicnaa.

Peter Schmeichel oo u ciyaari jiray Manchester United ayaa la isku raacay inuu ahaa goolhayaha ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Premeir League, waxaana uu hoos u riixay Petr Cech oo cimrigiisa Premier League ku qaatay kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo uu iskaga gudbay.

Waxa kaalinta saddexaad soo galay Edwin van der Sar oo u dheeli jiray xulka qaranka Netherlands iyo kooxda Manchester United, hase yeeshee si lama filaan ah waxa kaalinta afraad kusoo galay goolhayihii Arsenal iyo xulka qaranka England ee David Seaman ee ku ceeboobay Koobkii Adduunka 2002 oo Ronaldinho uu ka dhaliyey laad xor ahaa ciyaar Brazil iyo England ay dheeleen, waxaana uu goolkaasi ka saaray saaxadda kubadda cagta.

Allison Becker oo xulka qaranka Brazil iyo Liverpool u ciyaara, David De Gea oo ay koox la’aani ku dhacday markii ay fasaxday Manchester United xagaagii hore, Ederson oo ah goolhayaha koowaad ee Man City iyo goolhayihii Arsenal ee Jens Lehman ayaa iyaguna soo cidhiidhsaday kaalmaha shanaad illaa siddeedaad.

Halkan kaga bogo 20kii goolhaye ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League
No. Magaca
1
Peter Schmeichel
2 Petr Cech
3
Edwin van der Sar
4 David Seaman
5 Alisson Becker
6 David De Gea
7 Ederson
8 Jens Lehmann
9 Shay Given
10 Brad Friedel
11 Joe Hart
12 David James
13
Neville Southall
14 Hugo Lloris
15 Pepe Reina
16 Nigel Martyn
17
Thibaut Courtois
18 Tim Howard
19
Mark Schwarzer
20
Kasper Schmeichel

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*