Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa shaacisay magacyada afar ciyaartoy oo kooxdeeda koowaad ah oo ka tegaya xagaagan, kaddib markii ay dhamaadeen qandaraasyadoodu, sidoo kalena qaarkood ay iska diideen inay sii joogaan oo ay heshiisyo cusub saxeexaan.
Kooxda tababare Ange Postecoglou oo kaalinta shanaad ka gashay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii hore, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in afarta ciyaartoy ee Eric Dier, Ivan Perisic, Ryan Sessegnon iyo Japhet Tanganga aanay ka mid ahaan doonin kooxdooda xilli-ciyaareedka dambe.
War-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi: “Way ku mahadsan yihiin Eric, Ivan, Ryan iyo Japhet adeegyadii ay u qabteen kooxda, waxaananu u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan.”
Dier oo bishii January amaah ugu biiray Bayern Munich ayaa bishii March waxa uu si rasmi ah ugu saxeexay heshiis, kaddib markii ay Bavaria ku qanacday bandhiggiisa 20 ciyaarood oo uu u saftay isaga oo difaaca dhexe kala baxay Kim Min-jae iyo Dayot Upamecano.
Ivan Perisic oo isaguna bishii January amaah ku tegay kooxdii carruurnimadiisa ee Hajduk Split ayaa qandaraaskiisu uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana 34 jirkan uu sidaas ku macasalaameeyey Spurs maadaama uu qandaraaskiisu dhamaaday.
Ryan Sessegnon oo sannadkii 2019 ay Tottenham £25 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Fulham ayaa kaliya waxa uu u saftay 57 ciyaarood, halka Tanganga oo kasoo baxay da’yarta kooxda sannadkii 2019 oo uu Mauricio Pochettino fursad siiyey uu isagana qandaraaskiisu dhamaaday.
Be the first to comment