Jose Mourinho Oo Weerar Ku Qaaday Arsene Wenger Intii Ay Socotay Ciyaartii Finalka Champions League


Jose Mourinho ayaa kabaha la dul-maray oo eedaymo si toos ah telefishanka ugaga jeediyey tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger intii ay socotay ciyaartii finalka Champions League ee Real Madrid ay 2-0 kaga adkaatay Borussia Dortmund, isla markaana ay ugu guuleysteen koobkii 15aad ee Champions League ah.

Mourinho oo ahaa martida khaaska ah ee telefishanka TNT Sports ayaan beer darraynin mar ay soo martay fursad uu mar kale ku karbaasho Jose Mourinho oo uu ka dhexeeyo xafiiltan aan dhamaad lahayn, xataa iyadoo uu Wenger muddo toddoba sannadood ah kasii maqan yahay shaqada tababarka.

Wenger ayaa hadda ah madaxa FIFA u qaabbilsan horumarinta ciyaaraha, waxaana uu soo jeediyey hindiseyaal cusub oo sharci oo qaarkood yihiin in ciyaartoygu aan lagu qaadin ‘offside’ haddii qayb jidhkiisa ah ay la siman tahay difaacyahannada, isla markaana qaybta kale ay horreyso.

Waxa arrintan sannadkii 2020 taageeray madaxweynaha FIFA ee Gianni Infantino, waxaana lagu tijaabiyey waddamada Sweden, Talyaaniga iyo Netherlands, waxaana dhowaan wargeyska The Times uu daabacay in Wenger uu u gudbinayo sharci sameeyeyaasha kubadda cagta ee IFAB hindisahan.

Jose Mourinho oo xalay si toos ah uga hadlayey TNT Sports ayaa yidhi: “Bal waxa aad weydiisaan Wenger, waxa uu ka doonayo offside-ka. Yaa Allah. Fadlan aan iska tago ka hor inta aydaan isaga la hadal.”

Hadalkan oo ay aad ugu qosleen Steve McManaman, Rio Ferdinand iyo Woods oo falanqaynayey ciyaarta ayaa waxa uu yimid markii ay Borussia Dortmund waqti dambe dhalisay gool offside ahaa oo laga diiday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*