Manchester City ayaa heshiis cusub u bandhigaysa weeraryahankeeda reer Norway ee Erling Haaland oo 23 jir ah, kaas oo ay waqtiga iyo mushaharkaba ugu kordhinayaan. (Mirror)
Arsenal waxa ay la xidhiidhay Barcelona oo ay ka doonayso difaaca reer Senegal ee Mikayil Faye oo ay da’diisu tahay 19 jir. (Mail)
Gunners waxay doonaysaa in ay gacanta ku dhigto weeraryahanka reer Slovenia ee Benjamin Sesko oo ah 21 jir u ciyaara RB Leipzig ka hor inta aanay dhamaannin bishan June. Gunners ayaa bixin doonta £55.4 milyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaska laacibkan. (Florian Plettenberg)
PSG waxay doonaysaa weeraryahanka kooxda Napoli ee Khvicha Kvaratskelia, laakiin waxa ay ka dalbatay in qiimaha laacibkan ee ah 100 milyan oo Euro ay Napoli hoos ugu soo dhigto illaa 60 milyan oo Euro. (L’Equipe)
Manchester United ayaa waxa ay doonaysaa inay la saxeexato weeraryahanka reer Brazil ee Matheus Cunha oo ah 25 jir u ciyaara Wolves iyo sidoo kale xiddiga reer Ghana ee Mohammed Kudus oo ah 23 jir u ciyaara West Ham. (Mirror)
Newcastle United iyo Liverpool ayay mid walba dhinaceeda u doonaysaa weeraryahanka reer Cameroon ee Bryan Mbeumo oo ah 24 jir u ciyaara Brentford. (L’Equipe)
Monaco waxa ay diyaar u tahay inay iibiso laacibkeeda khadak dhexe ee Youssouf Fofana oo ay doonayaan Arsenal iyo Manchester United, waxaana laacibkan lagu heli karayaa £20 milyan oo Gini, iyadoo qandaraaska 25 jirkan reer France ee Monaco uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay. (Goal)
Tababaraha cusub ee Barcelona ee Hansi Flick waxa uu doonayaa in kooxdiisu ay la saxeexato xiddiga reer Portugal ee Joao Felix ee ay xilli-ciyaareedkii hore amaahda kaga soo qaateen Atletico Madrid, inkasta oo laacibkan uu kursiga kaydka ku ciilay Xavi Hernandez oo shaqada laga caydhiyey. (Marca)
Khadka dhexe ee reer Belgium ee Axel Witsel oo 35 jir ah oo ogolaaday inuu dib ugu soo laabto xulka qarankiisa ee uu hore uga fadhiistay oo uu u ciyaarayo tartanka Euro 2024, waxa uu heshiis cusub u saxeexayaa Atletico Madrid. (Fabrizio Romano)
Newcastle ayaa wada-hadallo kula jirta difaaca reer England ee kooxda Bournemouth ee Lloyd Kelly oo 25 jir ah, kaddib markii ay Chelsea ka hor qaadday Tosin Adarabioyo oo ah 26 jir Ingiriis ah oo si xor ah uga tegay Fulham. (Sky Sports)
Manchester United waxa ay kaliya doonaysaa inay £30 milyan oo Gini dalab ah ka gudbiso difaaca reer England ee Jarrad Branthwaite, laakiin Everton ayaa ku xidhaysa kooxaha doonaya illaa £70 milyan oo Gini. (Football Insider)
Difaaca reer Netherlands ee Sepp van den Berg oo 22 jir ah ayaa ka dalbaday kooxdiisa Liverpool in la fasaxo xagaagan oo uu si rasmi ah uga tago naadiga maadaama ay u muuqato in aanu helaynin boos joogto ah. (De Telegraaf)
Be the first to comment