Real Madrid mise Borussia Dortmund? – Rio Ferdinand Oo Saadaaliyey Finalka Champions League


Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyey kooxda ku guuleysanaysa koobka Champions League ee Sabtida ay finalkiisa ku kala calaf-qaadayaan kooxaha Real Madrid iyo Borussia Dortmund oo wareeggii semi-finalka kusoo garaacay Bayern Munich iyo PSG.

Real Madrid ayaa markii ugu dambaysay ee ay ku guuleysato Champions League waxay ahayd sannadkii 2022 oo ay 1-0 kaga adkaadeen Liverpool, waxayna hadda u dagaallamayaan markoodii 15aad ee ay koobkan qaadayaan, halka Borussia Dortmund ay ku guuleysatay hal mar oo ahayd 1997kii, haddana ay raadinayaan in markoodii labaad ay ku guuleystaan.

Los Blancos waxa ay ku jirtaa xilli-ciyaareed wanaagsan waxaanay soo qaadday horyaalka LaLiga iyo Supercoppa de Espana, iyaga oo 54 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay dheeleen guuleystay 41 ka mid ah, 11 ay barbarro galeen iyo laba jeer oo kaliya oo ay guul-darro la kulmeen dhamaan tartamada.

Borussia Dortmund oo uu tababare u yahay Edin Terzic ayaa isagana ay kooxdiisu ku dhamaysatay kaalinta shanaad ee horyaalka Bundesliga iyaga oo 27 dhibcood ka hooseeyey Bayer Leverkusen oo horyaalka ku guuleysatay, waxaana 49 kulan oo dhamaan tartamada ah oo ay ciyaareen ay guuleysteen 27 jeer, 12 barbarro ah iyo 10 laga badiyey.

Si kastaba ha ahaatee, Rio Ferdinand oo ciyaartan ka hor la weydiiyey saadaashiisa finalka Champions League, ayaa waxa uu koobka siiyey Real Madrid oo uu sheegay inay 2-0 ku garaaci doonto Borussia Dortmund, sidaana ugu guuleysan doonto koobkeedii 15aad ee Champions League ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*