Ciyaartoyda Liverpool Ee Iskaga Cararaya Anfield Oo Sii Kordhaya & Laba Kale Oo Bannaanka Is-keenay


Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Liverpool oo laba ka mid ah ay waqti horeba shaaciyeen inay iskaga tegayaan oo lagu sii macasalaameeyey kulankii ugu dambeeyey ee lagu satootiyey Jurgen Klopp, ayaa waxa haddana bannaanka iskeenay laba kale oo iyaguna doonaya inay ka tagaan.

Kaddib bixitaankii Thiago Alcantara iyo Joel Matip, waxa la warinayaa in laba ciyaartoy oo kale oo muhiim u ah Reds ay iyaguna dariiqaas oo kale raacayaan.

Garabka weerarka reer Colombia ee Luis Diaz iyo difaaca boosaska badan ka dheela ee Joe Gomez ayaa la sheegay in ay doonayaan inay iskaga tagaan Anfield oo ay kusii jeedaan horyaalka waddanka Sucuudiga oo ay ka haystaan dalabyo lacag badan leh.

Luis Diaz oo ay da’diisu tahay 27 jir oo ka mid ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsan Liverpool tan iyo markii uu sannadkii 2022 kaga soo biiray FC Porto oo ay Reds kaga soo iibsatay £37.5 milyan oo Gini iyo Joe Gomez oo ay da’diisu tahay 27 jir oo xilli-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa soo qaatay fasalkii hadda dhamaaday oo uu boosas badan ka ciyaaray ayaa waxa u gacan haadinaya naadiyo reer Yurub ah.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa iyadoo uu sidoo kale laalan yahay mustaqbalka xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo isagana ay doonayaan kooxaha Sucuudigu, iyadoo uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*