Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa soo saaray liiska ciyaartoydiisa u safraysa magaalada London oo finalka Champions League ay kula dheeli doonaan Borussia Dortmund fiidka Sabtida toddobaadkan, iyadoo ciyaartoyda Los Blancos ay maanta sii qaateen tababarkoodii ugu dambeeyey.
Aurelien Tchouameni iyo David Alaba oo dhaawac ah ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee finalka Champions League, inkasta oo ay dhaawacan yihiin oo aanay awoodi doonin inay ciyaaraan kulankan.
Goolhayaha reer Ukraine ee Andriy Lunin oo uu ku dhacay hargab isla markaana saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey aan tababarka imanin ayaa sidoo kale ku jira liiska, balse waxa ay kooxdu go’aamisay in uu diyaarad gaar ah ku safro oo aanu soo dhax gelin ciyaartoyda si aanu u qaadaniinin fayraska hargabka.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa sidoo kale u yeedhay goolhayaha da’da yar ee Fran Gonzalez iyo khadka dhexe ee kooxda da’yarta ee Mario Martin oo uu kusoo daray liiskiisa.
Toni Kroos oo ay hayn doonaan indhaha taageereyaasha kubadda cagta maadaama ay tahay ciyaartiisii ugu dambaysay ee kooxaha oo uu ka fadhiisanayo kubadda cagta ayaa hormood u noqonaya ciyaartoyda Real Madrid ee u duulaysa London, halka Nacho Fernandez la filayo in isagana ay noqoto ciyaartiisii ugu dambaysay.
Waa kuwan liiska ciyaartoyda Real Madrid ee uu soo saaray tababare Carlo Ancelotti
Goolhayeyaal: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Kepa Arrizabalaga, Fran
Difaacyahanno: Dani Carvajal, Eder Militão, David Alaba, Nacho Fernandez, Lucas Vázquez, Fran García, Antonio Rüdiger, Ferland Mendy.
Khadka Dhexe: Jude Bellingham, Toni Kroos, Luka Modrić, Eduardo Camavinga, Federico Valverde, Aurelien Tchouameni, Dani Ceballos, Arda Güler, Mario Martín.
Weeraryahanno: Vinicius Junior, Rodrygo Goes, Joselu Mato, Brahim Diaz.
Be the first to comment