Waa Maxay Magaca Koobka EURO 2024? Muxuu Ahaa Ninka Loogu Magac-daray Ee Henri Delaunay?


Badhtamaha bisha dambe ee June waxa waddanka Germany ka bilaabmaya tartanka qaramada Yurub ee EURO 2024 oo socon doona muddo bil ah, waxaana halkaas halgan ka gelaya xulka England oo aan ku guuleysanin wax koob ah tan iyo sannadkii 1966kii oo ay Koobka Adduunka qaadeen, xulka Germany oo sannadkii 2014 ay ugu dambaysay wax koob ah iyagoo waqtigaas ku guuleystay Koobka Adduunka, Talyaaniga oo koobka difaacanaya iyo Faransiiska oo ah dalka loogu saadaalinta badan yahay.

24 waddan ayaa ka qayb-gelaya tartanka Euro 2024 oo loo yaqaano koobka labaad ee ugu xiisaha badan ee ku xiga Koobka Adduunka marka laga hadlayo ciyaaraha caalamiga ah.

Koobkan Euro 2024 waxa magacan u bixiyey halyeygii Faransiiska ee Henri Delaunay oo ay dadka qaarkood magaciisa ugu yeedhaan.

Sannadkii 2008 ayaa isbeddel lagu sameeyey tartankan, waxaana dalkii ugu horreeyey ee ku guuleystay markii isbeddelka la sameeyey uu noqday Spain.

Koobkan ayaa waxa uu ka samaysan yahay dahab iyo naxaas, waxaanu culayskiisu dhan yahay 8kg.

Waa kuma Delaunay? 

Delaunay waxa la isku raacsan yahay in uu ahaa qofkii aasaasay tartanka qaramada Yurub, waxaana uu ahaa xoghayihii ugu horreeyey ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub.

Sannadkii 1883kii ayuu ku dhashay magaalada Paris oo markii ay da’diisu ahayd 20 jir uu ka bilaabay kubadda cagta, isaga oo maamule ka noqday koox lagu magacaabi jiray Etoile des Deux Lacs, kaddibna uu noqday xoghayaha xidhiidho kala duwan oo ciyaareed.

Waxa uu noqday madaxweynaha kooxdaas markii ay da’diisu noqotay 26 jir, sidoo kalena waxa uu xubin ka noqday xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ee FFF isla waqtigaas.

Delaunay oo ahaa arday ku wanaagsan waxbarashada, gaar ahaan dhinaca ciyaaraha ayaa sannadkii 1920kii ay FIFA u magacowday inuu noqdo ninka ka caawiya kordhinta xirfadleyaasha garsoorka, waxaana uu dejiyey shuruuc badan isaga oo sannadkii 1954kii sameeyey xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA iyo sidoo kale tartanka qaramada Yurub ee Euro.

Sannadkii 1955kii ayuu Delaunay geeriyooday isaga oo ku mashquulsan adduunyo oo rumaysan inuu gaadhay hadafyadiisii nolosha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*