Real Madrid Oo Ogaatay LABADA Meelood Ee Ay Ka Xooggan Tahay Borussia Dortmund Ee Ay Taxadarka Ka Samaynayaan


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ogaatay laba meelood oo ay ku xooggan tahay Borussia Dortmund oo ay halis badan kala kulmi karayaan finalka Champions League ee Sabtida haddii aanay taxadar dheeraad ah ka samaynin.

Real Madrid iyo Borussia Dortmund ayaa maalinta Sabtida oo ku beegan June 1, waxa ay ku kala calaf-qaadi doonaan garoonka Wembley Stadium ee magaalada London.

Wariyaha ciyaaraha Jorge Picon ayaa sheegay, in Real Madrid ay qiimayn qoto-dheer ku samaysay ciyaartoyda kooxda Borussia Dortmund iyo meelaha ay khatarta ugu badan kaga iman karayso, waxaana Carlo Ancelotti iyo gacan-yareyaashiisu ay dejinayaan xeeladdii ay ku garaaci lahaayeen kooxda reer Germany.

Laba meelood ayaa Real Madrid ay u aragtay khatarta ugu weyn ee Borussia Dortmund, waxaana midda hore ay tahay in ay khubaro ku yihiin kubbadaha madaxa ah, gaar ahaan koorneyaasha iyo laadka xorta ah, sidaas daraadeedna waxa ay ku dedaali doonaan inay ka taxadaraan in ay fursad u siiyaan koorneyaal.

Waxa ay haystaan oo ay ka faa’iidaystana ciyaartoyda madaxa ku fiican, sida Niclas Fullkrug, Mats Hummels iyo Nico Schlotterbeck oo dhamaantood dhererkoodu uu yahay 1.90 mitir.

Meesha labaad ee ay Real Madrid u aragto inay tahay khatarta ay kala kulmayaan Dortmund, waa weerarka orodka badan ee dhinacyada sida Karim Adeyemi iyo Jadon Sancho oo labada dhinac ah, iyadoo waliba Sancho uu ku fiican yahay goysmada uu difaacyahannada sida fudud ugaga takhaluso.

Dani Carvajal iyo Ferland Mendy ayay shaqo badan u taallaa Sabtida oo laga doonayaa inay joojiyaan labadan ciyaartoy ee labadooda garab ka iman doona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*