Dominik Szoboszlai Oo Magacaabay Ciyaartoygii 1aad Ee Liverpool Ee Ay Saaxiibka Noqdeen


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Dominik Szoboszlai  ayaa magacabaay saaxiibkii ugu horreeyey ee uu ku yeeshay kooxdiisa markii uu xagaagii hore usoo wareegay, waxaana uu ku adkaystay inuu ka caawiyey inuu saldhigo Anfield.

Dominik Szoboszlai oo xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee Liverpool uu kusoo dhamaaday hal koob oo Carabao Cup ah oo uu la qaaday naadigiisa, ayaa waraysi uu bixiyey waxa lagu weydiiyey saaxiibkiisii koowaad ee Liverpool, waxaana uu markiiba lasoo booday Alexander-Arnold.

“Trent markii hore uu iga fogaa, laakiin waxa uu markii dambe xaqiiqsaday inay jiraan waxyaabo aanu isku mid ka nahay, kaddibna waxa aanu bilownay in aanu isku soo dhowaanno.” Ayuu yidhi Dominik Szoboszlai.

Mar wax laga weydiiyey tababarihii hore ee Liverpool ee Jurgen Klopp, waxa uu Dominik Szoboszlai ku jawaabay: “Waa tababarihii ugu fiicnaa ee abid aan la shaqeeyo, waxa u dheer binu-aadannimo, waxa u dheer aqoon dheer oo uu u leeyahay kubadda cagta, waxa u dheer akhlaaqiyaadka uu kula dhaqmo ciyaartoyda, waxa u dheer uu uga fikiro kooxda.”

Dominik Szoboszlai ayaa Liverpool ay xagaagii hore £60 milyan oo Gini kaga soo iibsatay RB Leipzig, waxaana 45 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey toddoba gool iyo afar uu caawiyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*