QIIMAYN: Xiddigaha Xulka Qaranka England Ee Euro 2024 Oo La Qiimeeyey – Yaa U Qalma Safarka Germany Yaase Loo Eexday?


Kaddib markii uu tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate uu soo saaray liiska xiddigaha qarankiisa ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2024 ee bisha dambe lagu qaban doono waddanka Germany ayaa waxa qiimayn lagu sameeyey ciyaartoyda uu soo xushay ee uu ula safri doono Jarmalka.

England oo ka mid ah dalalka sida aadka ah loogu saadaalinayo tartanka Euro 2024, ayaa ku hubaysan ciyaartooyo wanaagsan oo ay da’doodu yar tahay, kuwaas oo ay badhxayaan ruug-caddaayo uu hormood u yahay Harry Kane oo ah weeraryahanka hoggaaminaya.

Gareth Southgate ayaa soo saaray 33 ciyaartoy, waxaana uu liiskiisa ka tuuri doonaa toddoba ciyaartoy isaga oo soo reebi doona 26 ciyaaryahan, waxaana soo baxday qiimayn ka caawinaya ciyaaryahannada ay tahay inuu ka takhaluso.

Qiimayntan oo ciyaartoyda xulka England u kala saartay kuwo ay waajib tahay inuu kusoo bilaabo ciyaaraha qaramada Yurub si uu dalkiisu guul u gaadhom kuwa faa’iidadoodu badan tahay oo uu adeegsan karayo, kuwo dhaxdhaxaad ah iyo kuwo aan wax rajo ah laga qabin, ayaa waxa ay niyad-jab ku ridday laba ciyaartoy oo Liverpool ah iyo laba kale oo farta loogu fiiqay Southgate inuu ka saaro liiskiisa.

Halkan kaga bogo qiimaynta xulka England

QIIMAYNTA Xulka England Ee EURO 2024
QIIMAYNTA CIYAARTOYDA
Waajib in lagu soo bilaabo Jordan Pickford, Kyle Walker, John Stones, Declan Rice, Jude Bellingham, Phil Foden, Bukayo Saka, Harry Kane
Xulku u baahan yahay Aaron Ramsdale, Harry Maguire, Kieran Trippier, Trent Alexander-Arnold, Kobbie Mainoo, Cole Palmer
Dookhyo wanaagsan noqon kara Dean Henderson, Marc Guehi, Jarrad Branthwaite, Eberechi Eze, Anthony Gordon, Ollie Watkins, Ivan Toney
Fursaddoodu 50/50 tahay Luke Shaw, Ezri Konsa, Lewis Dunk, Joe Gomez, Conor Gallagher, James Madison, Jack Grealish, Jarrod Bowen
Kuwa rajo la’aanta ah James Trafford, Jarell Quansah, Curtis Jones, Adam Wharton

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*