RASMI: Xulka Qaranka Belgium Ee Euro 2024 Oo La Shaaciyey – Thibaut Courtois Iyo Xiddigaha Kale Ee Ka Maqan


Xulka qaranka Belgium ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ayaa lagu dhawaaqay, waxaana laga saaray oo aan liiska lagu soo darin xiddigo waaweyn oo uu hormood u yahay goolhayaha Real Madrid ee Thibaut Courtois.

Sidii la filayey xiddigaha Manchester City ee Kevin De Bruyne iyo Jeremy Doku ayaa ka mid noqday, sidoo kalena weeraryahannada Arsenal iyo Roma ee Leandro Trossard iyo Romelu Lukaku ayaa ku jira xulka Belgium oo maanta lagu dhawaaqay.

Ciyaartoyga ugu safashada badan xulka qaranka Belgium ee Jan Vertonghen ayaa mar sidoo kale ka mid noqday 25ka ciyaartoy ee xulka qaranka Belgium, iyadoo ay da’diisu tahay 36 jir, balse ciyaartoyga ay su’aashu ka taagan tahay maqnaanshihiisa ayaa ah goolhaye Thibaut Courtois oo kasoo laabtay dhaawac uu siddeed bilood u jiifay oo uu dhowaan kasoo kabtay, kaas oo ay u badan tahay inuu kusoo bilaaban doono ciyaarta finalka Champions League ee Sabtida ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund.

Thibaut Courtois oo uu xumaaday xidhiidhka uu la leeyahay tababare Domenico Tedesco ayaa waxa aan la ogeyn in dib loogaga yeedhi doono maadaama xulka qaranka Belgium ee maanta la shaaciyey uu yahay 26 ciyaartoy, halka UEFA ay dalalka u ogoshahay inay min 26 ciyaartoy soo xushaan.

Xulka qaranka Belgium oo niyad-jab kala kulmay Koobkii Adduunka ee 2022 lagu qabtay waddanka Qatar oo ay ku hadheen wareeggii group-yada oo ay ku wada jireen Croatia iyo Morocco oo semi-finalka yimid iyo Canada, ayaa waxa hadda ay isku hormo ku jiraan Slovakia, Romani iyo Ukraine.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda xulka qaranka Belgium ee Euro 2024

Goolhayeyaal: Casteels, Kaminski, Sels.

Difaacyahanno: Castagne, De Cuyper, Faes, Meunier, Theate, Vertonghen, Debast.

Khadka Dhexe: De Bruyne, O.Mangala, Onana, Tielemans, Vermeeren, Witsel, Vranckx.

Weeraryahanno: J.Bakayoko, Carrasco, De Ketelaere, Doku, Lukaku, Lukebakio, Openda, Trossard.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*