Manchester United ayaa la hadashay tababarihii hore ee kooxda Brighton Roberto de Zerbi kaasoo ay suurtogal tahay inuu noqdo bedelka tababare Erik ten Hag. (The Guardian)
Tababaraha kooxda Ipswich Kieran McKenna ayaa ku dhow inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxdiisa inkastoo ay xiiseynayaan kooxaha Chelsea, Man United iyo Brighton. (The Athletic)
Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto Man City iyo Arsenal xiddigaha 100ka milyan ginni lagu qiimeeyo ee kooxda Newcastle Bruno Guimaraes oo 26 sanno jir ah. (Goal)
Chelsea ayaa kula xafiiltameysa Newcastle daafaca Ingariiska Tosin Adarabioyo oo 26 sanno jir ah kaasoo xor noqonaya marka qandaraaskiisa Fulham uu dhaco bisha soo socota. (The i)
Leicester City ayaa bartilmaameedsaneysa tababaraha West Brom Carlos Corberan haddii macalinkooda Enzo Maresca uu ku biiro Chelsea. (talkSPORT)
Newcastle ayaa 20 milyan ginni ku dalbaneysa goolhayaha 21 jirka ah ee kooxda Burnley James Trafford. Daily Mail)
Liverpool ayaa sidoo kale dooneysa Trafford iyadoo goolhayahooda Caoimhin Kelleher uu doonayo inuu kooxda ka tago si uu u raadsado boos joogta ah. (Football Insider)
Manchester United ayaa filaneysa in xiddiga khadka dhexe Casemiro inuu u saxiixo koox ka dhisan horyaalka Sacuudiga xagaagan, waxayna diyaar u yihiin inay ku iibiyaan qiimo jaban. (Football Insider)
Liverpool iyo Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha Premier League ee xiiseynaya xiddiga weerarka uga ciyaara Leeds United 22 jirka Crysencio Summerville. (Daily Mirror)
Tababaraha la filayo inuu qabto Napoli ee Antonio Conte ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo weeraryahanka Chelsea Romelu Lukaku oo 31 sanno jir ah si uu ugu bedelo Victor Osimhen oo la filayo inuu u wareego Premier League Corriere della Sere)
AC Milan ayaa xiiseyneysa 25 jirka daafaca midig ee Tottenham iyo Brazil Emerson Royal. (Gianluca di Marzio)
Xiddiga khadka dhexe ee PSG iyo Netherlands Xavi Simons oo 21 sanno jir ah ayaa doonaya inuu ku biiro Barcelona, inkastoo ay xiiseynayaan Leipzig, Bayern Munich, Chelsea, Man United iyo Newcastle. (Mundo Deportivo)
Real Madrid ayaa diyaar u ah inay lacag ka badan 25 milyan ginni ku dalbato daafaca dhexe ee Faransiiska ee kooxda Lille 18 jirka Leny Yoro kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo PSG iyo Liverpool. (Football Mercato)
Be the first to comment