Xavi Oo Loo Magacaabayo Koox Weyn Oo Premier League Ah


Xavi Hernandez ayaa loo magacaabayo koox horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ah, inkasta oo caawa uu Barcelona laylinayo kulankiisii ugu dambeeyey isla markaana toddobaadkan horraantiisii ay kooxdaasi shaacisay inay shaqada ka caydhisay.

Xavi oo Barcelona ay si xun ula dhaqantay isla markaana ay ku qasbeen inuu beddelo go’aan uu hore u qaatay oo ahaa inuu ka tegayo kooxda dhamaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa laba usbuuc kaddib markii uu ogolaaday inuu sii joogayo waxa ay qaateen arrin layaablahayd oo ah inay ku wargeliyeen in la eryay.

44 jirkan oo caawa lagu sagootin doono garoonka Sevilla, ayaa waxa la sheegay inuu dalab ka helay koox weyn oo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ah oo ay hadda wada-hadallo u socdaan.

Sida ay warbaahinta waddanka Ingiriisku ku warramayso, Xavi ayaa waxa uu wada-hadallo kula jiraa Barcelona oo toddobaadkii hore eriday Mauricio Pochettino oo hal xilli-ciyaareed oo kali ah layliyey.

Chelsea oo sidoo kale lala xidhiidhinayo tababaraha Ipswich ee Kieran McKenna, Enzo Maresca oo ah tababaraha Leicester City, Thomas Frank oo ah macallinka Brentford iyo Roberto De Zerbi ayaa waxa sidoo kale diiraddooda soo galay Xavi Hernandez oo la sheegay inay wada-hadallo u socdaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*