Halyeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa ku dooday, in da’yarka Man United ee Kobbie Mainoo uu toban jeer ka wanaagsan yahay sidii uu isagu ahaa markii uu jiray da’da laacibkan oo wacdaro ka dhigayey garoomada xilli-ciyaareedkan.
Kobbie Mainoo oo ay da’diisu tahay 19 jir ayaa ku guuleystay abaal-marinta ‘xiddigii ugu fiicnaa finalkii FA Cup’ ee Man City ay 2-1 kaga adkaadeen isaga oo dhaliyey goolka labaad ee kooxdiisa.
Inkasta oo uu ahaa xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee kooxda koowaad oo ciyaartiisii ugu horreysay uu saftay bishii November, haddana Kobbie Mainoo ayaa si degdeg ah ula qabsaday kooxda oo helay boos joogto ah oo aanay cidina ku wada-hadal, isaga oo booska ka cidhiidhsaday ciyaartooyo waaweyn, sida Christian Eriksen iyo xataa Mason Mount oo waqtigii uu dhaawaca ahaa uu laacibkani sii xoraystay booska khadka dhexe.
Paul Scholes ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada waxa uu ku yidhi: “Waxa aan toddobaadkan akhriyey isbarbar-dhigyo kooban oo lagu samaynayo aniga iyo wiilkan da’da yar, laakiin waqtiga ha iska luminnina, isaga ayaa 10 jeer iga fiican markii aan anigu jiray da’diisa oo ah 19 jir. Waxa aad jeclaysanaysaa sida uu kubadda u helayo, deggenaantiisa, feejignaanta waxa hareerihiisa ah iyo goolasha uu dhalinayo kulamada waaweyn. Wiilkani waa mic ajiib ah.”
Be the first to comment