“Waa Koox Taqaanna Sida Loo Ciyaaro Kulamada Adag” – Rivaldo Oo Saadaaliyey Finalka Champions League


Halyeyga Brazil ee Rivaldo ayaa saadaaliyey finalka Champions League ee kooxaha Borussia Dortmund iyo Real Madrid ee garoonka Wembley, waxaana uu rumaysan yahay in Dortmund ay awoodi doonto inay joojiso Real Madrid oo ay u diiddo in markii 15aad ay ku guuleysato Champions League.

Real Madrid oo 14 jeer ku guuleysatay koobka Champions League, ayaa waxa kusoo xigta AC Milan oo ah naadiga labaad ee ugu guulaha badan, waxaanay haystaan toddoba koob, haddii ay sannadkan Los Blancos ku darsatana waxa ay dhaafi doontaa in ka badan kala-badh kooxda kusoo xigta.

Edin Terzic oo ah tababaraha Borussia Dortmund ayaa ciyaartoyda kooxdiisa u diyaarinaya sidii ay iskaga caabbiyi lahaayeen Real Madrid, waxaana uu qorshaynayaa inuu ku celiyo xeeladdii ay ku reebeen PSG wareeggii semi-finalka.

Real Madrid oo iyaduna semi-finalkii kusoo garaacday Bayern Munich, ayaa waxa uga horreeyey oo wareeggii siddeedda ay rikoodheyaal kaga soo adkaadeen Manchester City, hase yeeshee Rivaldo oo ka mid ahaa ciyaartoydii AC Milan ee sannadkii 2007 ku guuleystay Champions League iyadoo uu laylinayey Carlo Ancelotti, ayaa waxa uu saadaaliyey in Dortmund ay iska caabbiyi karto Madrid.

Rivaldo oo warbaahinta la hadlayey ayaa yidhi: “Real Madrid waa kooxda mudnaanta leh ee ugu cadcad finalka. Usbuucyo ka hor, anigu waxa aan sheegay in finalka ay iskugu iman doonaan Real Madrid iyo Borussia Dortmund, markaa hadda waan hayaa finalkii. Sidaas oo kale, waxa aan sheegay in Borussia ay ku guuleysan doonto.

“Waxay ila tahay in Madrid ay tahay kooxda ugu dhow, laakiin haddana waxa hubaal ah in Borussia ay haysato kalsooni badan, wayna yaqaannaan sida loo ciyaaro tartamada waaweyn iyo kulamada adag. Waxaynu ogayn labadii ciyaarood ee ay la dheeleen PSG sidii ay dheeleen.”

Mar la weydiiyey inuu saadaashiisa caddeeyo, waxa uu ku jawaabay: “Haa, Madrid ayaa cadcad, laakiin anigu wali waxa aan saadaalinayaa in Borussia ay ku guuleysanayso.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*