Difaaca kooxda kubadda cagta Arsenal ee William Saliba ayaa saadaaliyey in ay waxyaabo waaweyn dhici doonaan xilli-ciyaareedka dambe, isla markaana kooxdiisa Arsenal ay guulo badan gaadhi doonto kaddib markii ay horyaalka Premier League sannadkii labaad oo xidhiidh ah kaalinta labaad ku dhamaysteen.
Arsenal ayaa guuleysatay 28 ciyaarood oo Premier League ah xilli-ciyaareedkan dhamaaday, waxaanay urursadeen 89 dhibcood iyagoo dhaliyey 91 gool oo dhaafay rikoodhka kooxdii Arsene Wenger ee sannadkii 2004 ku guuleystay horyaalka iyagoon halmar laga badinin.
Sidaas oo ay tahay, Man City ayaa horyaalka kaga guuleysatay oo afar jeer oo isku xigta qaadday, waxaana ay Gunners ku dhaafeen laba dhibcood oo kaliya, iyadoo sidaas Arsenal ay ugu buuxsameen 20 sannadood oo ayka qatan tahay horyaalka Premier League.
Difaaca reer France ee William Saliba oo la weydiiyey sida uu noqon karayo horyaalka Premier League ayaa sameeyey saadaal uu kaga farxiyey kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Waxyaabo waaweyn ayaa dhici doona xilli-ciyaareedka dambe. Gunners wax weyn ayay heli doontaa.”
Sidaas oo ay tahay, khubarada ciyaaraha sida Paul Merson ayaa su’aal ka qaba haddii ay Arsenal awoodi doonto inay ku guuleysato horyaalka Premier League, sababtana waxa uu ku sheegay in tartanku uu sidii hore ka adkaan doono oo ay kooxo xilli-ciyaareedkan waqti hore is-dhiibay ay is-dhisayaan.
Be the first to comment