Vincent Kompany Oo Ogaaday Sharci Adag Oo Lagu Xakamaynayo Noloshiisa Oo Kaga Horreeya Bayern Munich


Vincent Kompany ayaa u duulay waddanka Germany oo uu ku saxeexi doono heshiis uu ku noqonayo tababaraha Bayern Munich oo uu ka tegay Thomas Tuchel, waxaana magacaabistiisa ka hor uu ogaaday sharci qallafsan oo ay  tahay inuu u hoggaansamo, kaas oo xataa dabar ku noqon doona noloshiisa.

Ruug-caddaagan reer Belgium ayaa kaliya shaacintu ay hadhsan tahay heshiiska uu xilli-ciyaareedka dambe ku hoggaamin doono Allianz Arena, halkaas oo ay u taallo shaqo adag oo ah inuu jidka guusha kusoo celiiyo Bayern Munich oo xilli-ciyaareedkii tegay aan wax koob ah qaadin.

Munich ayaa markii hore doonaysay Ralf Rangnick, Xabi Alonso iyo Julian Nagelsmann oo dhamaantood dhabarka u jeediyey, waxaanay markaas kaddib doorteen Vincent Kompany oo aan lahayn khibrad tababarenimo isla markaana kooxdiisii Burnley ee uu laylinayey ay heerka labaad ee Ingiriiska u dhacday.

Sky Sports ayaa ku warramay in Bayern Munich ay lacag magdhow ah siin doonto Burnley maadaama aanu dhamaanin qandaraaskii uu kula jiray, isla markaana kooxdaasi u sabirtay oo ay shaqada u deysay xataa iyaga oo heerka labaad u dhacaya.

Kaddib marka uu heshiiska saxeexo, Vincent Kompany ayaa ku qasbanaan doona inuu raaco sharci-adag oo u yaalla kooxdiisa oo ka kaxayn doona dookhyo badan oo uu lahaa. Tusaale ahaan, waxa qasab noqon doonta in uu kaxaysto baabuur noociiu yahay Audi maadaama ay shirkaddan baabuurta ee Jarmalka laga leeyahay muddo dheer heshiis kula jirtay Bayern Munich oo ay sidoo kalena leedahay mulkiyadda 8.33% mulkiyadda kooxda.

Waxa la rumaysan yahay in ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarkaba la siiyo baabuur ay leedahay shirkadda Audi isla marka ay yimaaddaan naadiga, waxaana sidan oo kale loo sameeyey Harry Kane xagaagii.

Waxa kale oo qasab ku ah tababareyaasha iyo ciyaartoyda inay baabuurta Audi u kaxaystaan garoonka tababarka, ciyaaraha kooxdu dheelaysana ku tagaan garoonka, sidoo kalena goobaha ay kooxdu xidhiidhka la leedahay ku tagaan.

Sannadkii 2021, Kingsley Coman ayay kooxdu ganaax ku ridday markii uu garoonka tababarka ku yimid baabuur aan ahayn Audi, waxaana lagu qasbay inuu raalligelin ka bixiyo, taas ayaana sugaysa Vincent Kompany haddii uu sharcigan u hoggaansami waayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*