Sir Alex Ferguson ayaa ku farxi doona haddii Mauricio Pochettino uu noqdo tababaraha xiga ee Manchester United, marka loo eego talaabadii uu qaaday labo sannadood ka hor.
Chelsea ayaa si lama filaan ah u shaacisay inay kala tageen Pochettino inkastoo ay Blues si fiican ku dhameysatay xilli ciyaareedka iyagoo badiyay shantoodii kulan ee ugu danbeysay islamarkaana soo galay kaalinta lixaad.
Tababarihii horeee Tottenham ayaa shaqada Man United lala xiriirinayay muddo dheer markii uu joogay Spurs iyo sidoo kale waqtigii uu joogay Paris Saint-Germain.
Milkiilaha kooxda Sir Jim Ratcliffe ayaa la fahamsan yahay inuu jecel yahay Pochettino, isagoo isku dayay inuu ku jiido kooxdiisa kale ee Nice 2022kii.
Haddii Pochettino uu noqdo tababaraha xiga ee Man United, Ferguson ayaa ansixin doona.
Sannadii 2021kii ayaa la sheegay in Ferguson uu u dagaalamayay in Pochettino uu noqdo bedelka Solskjaer markii la ceyriyay tababaraha reer Norway.
Waxaa shaqada United markaas lala xiriirinayay Brendan Rodgers oo markaas hayay kooxda Leicester City iyo Erik ten Hag. Ka dib markii Michael Carrick iyo Rangnick ay si ku meel gaar ah u qabteen United, boodhka Man United ayaa doortay Ten Hag.
Ferguson ayaa la sheegay inuu u arkayay Pochettino tababarihii Man United ku soo celin lahaa waayaheedii guulaha. Isagoo sidoo kale qeyb ka ahaa wadahadaldii Pochettino iyo wakiilada Man United.
Be the first to comment