Finalka FA Cup Ee Man United & Ciyaarta Ugu Dambaysa Horyaalka Premier League – Kulamada Uu Maqnaanayo Ederson Oo La Shaaciyey


Goolhayaha reer Brazil ee Ederson ayaa ka maqnaanaya garoomada labada ciyaarood ee ugu dambeeya ee ay kooxdiisu dheelayso xilli-ciyaareedkan, kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay madaxa kulankii Tottenham ee Salaasadii.

Ederson ayaa waxa jabtay lafta isha dhinaca dhegta ka xigta, markii ay isku dhaceen difaaca Tottenham ee Cristian Romero, waxaana dhakhaatiirta Manchester City ay xaqiijiyeen in aanu taam u noqon karaynin kulamada ka hadhsan xilli-ciyaareedka.

Goolhayaha reer Brazil oo isku dayey inuu kusii jiro garoonka markii uu dhaawacmay ayaa awoodi waayey, waxaana lagu beddelay Stefan Ortega oo kubbad halis ahayd ka badbaadiyey Heung-min Son.

Ciyaarta West Ham United ee Axadda lasoo gunaanadayo horyaalka Premier League iyo finalka FA Cup oo lix maalmood ka dambaynaya ayaanu goolhaye Ederson taam u noqon doonin, waxaana booskiisa ka dheeli doona Ortega.

Pep Guardiola ayaan walaac badan ka qabin dhaawaca goolhaye Ederson sababtoo ah waxa uu kalsooni badan ku qabaa Ortega oo labada ciyaarood ee sugaya ay yihiin kuwa go’aaminaya haddii ay kooxdu koobab ku guuleysanayso xilli-ciyaareedkan iyo haddii kale.

Haddii ay Manchester City guuleysan weydo ciyaarta West Ham ee Axadda waxa ay iska illoobi doonaan horyaalka Premier League oo gacanta u geli doona Arsenal oo laba dhibcood ka dambaysa isla markaana hal gool dheer City, balse waa haddii ay Gunners soo dhaafto Everton.

Sidoo kale, finalka FA Cup oo ay Manchester City la ciyaari doonto Manchester United maalinta Sabtida ee 25 May, ayaa uu sidoo kale ka maqnaan doonaa goolhaye Ederson.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*