Barcelona Oo Lagu Qasbay Inay La Noqoto Dalabkeedii Nico Williams


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa candhuufteeda dib u liqaysa oo ka noqonaysa damacii kaga jiray garabka weerarka xulka qaranka Spain ee Nico Williams oo u dheela Athletic Bilbao, kaas oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo 55 milayn oo Euro.

Nico Williams oo bishii December saxeexay heshiis cusub oo soconaya illaa sannadka 2027, ayaa ka hor intii aanu qandaraaskan saxeexin waxa laba jeer dalabyo kasoo gudbisay Barcelona oo doonaysay inay safkeeda ku xoojiso 21 jirkan, balse Athletic Bilbao ayaan uga jawaabin.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Mikel Gonzalez oo ah agaasimaha ciyaaraha Athletic Bilbao ayaa u sheegay Barcelona iyo naadiyada kale ee doonaya laacibkan, in ay samayn doonaan wax kasta oo ay kusii ilaashan karayaan isla markaana aanay wax tanaasul ah ka samayn lacagta ku xidhan burburinta qandaraaskiisa oo ah 55 milyan oo Euro.

Kooxda horyaalka Premier League ee Aston Villa ee uu layliyo Unai Emery oo usoo gudubtay tartanka Champions League ayaa la sheegay in ay u ballan-qaadday Nico Williams  inay laba-jibbaar uga dhigayso mushaharkiisa Athletic Bilbao, sidoo kalena ay diyaar u tahay inay bixiso lacagta ku xidhan qandaraaskiisa, laakiin Nico ayaa ka gaabsaday oo aan doonayn inuu tago kooxdaas.

Marca ayaa waxa uu intaa ku daray, in Barcelona oo ku jirta xaalad dhaqaale oo liidata, aanay waqtigan awoodi karayn inay Nico Williams ka bixiso 55 milyan oo Euro, isla markaana ay ka laabanayo qorshaheedii ahaa saxeexa laacibkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*