Isku-aadka tartanka qaramada Afrika ayaa lasoo saaray, waxaana isku beegmay waddanka martigelinaya ee Ivory Coast iyo Nigeria oo ku wada jira Group-ka, taas oo ka dhigaysa group-ka dhimashada.
Martigeliyeyaasha sannadkan ee Ivory Coast ayaa u dagaallami doona in markii saddexaad ay ku guuleystaan tartanka, waxayse kulankooda koowaad ku furan doonaan Guinea-Bissa oo ay 13ka January ku kulmi doonaan Abidjan oo ah xarunta ganacsiga ee dalkaas, ka hor inta aanay iska hor imanin Nigeria oo saddex jeer kusoo guuleysatay tartankan.
Niveria ayay ugu dambaysay in ay ku guuleysato koobka qaramada Afrika sannadkii 2013, hase yeeshee doorkan waxa ay haystaan ciyaartooyo waaweyn oo bandhig heersare ah ka samaynaya horyaallada waaweyn ee Afrika.
Morocco ayaa waxa group F ay ku wada jiraan DR Congo, Zambia iyo Tanzania, iyadoo xulka Atlas Liones ee bandhigga heerka sare ah ka sameeyey Koobkii Adduunka ay ugu dambaysay in ay koobka Afrika ku guuleystaan sannadkii 1976kii, balse ay finalka yimaaddeen 2004 oo ay Tunisa ka qaadday.
Senegal oo koobka difaacanaysa ayaa gashay Group C oo ay ku wehelinayaan Cameroon, Guinea iyo Gam bia, halka South Afrika ay Group E ku wada jiraan Tunisia, Mali iyo Nambia, balse Ghana ayaa waxa ay isku hormo noqdeen Masar, Cape Verde iyo Mozambique oo ay Group B ku wada jiraan.
Group D, ayaa waxa uu kulmiyey Algeria, Burkina Faso, Mauritania iyo Angola, iyadoo Finalka la ciyaari doono 11 February.
Isku-aadka ayaa waxa lagu casuumay heesaaga caanka ah ee Senegal-American-ka ah ee Akon, waxaase la qabtay oo la sameeyey Sadio Mane, Achraf Hakimi, Didier Drogba, iyo Mikel John Obi.
Isku-aadka tartanka qaramada Afrika oo dhamaystiran
Group A
Ivory Coast (martigeliyeyaasha), Nigeria, Equatorial Guinea, Guinea-Bissau
Group B
Egypt, Ghana, Cape Verde, Mozambique
Group C
Senegal (Xulka difaacanaya koobka), Cameroon, Guinea, Gambia
Group D
Algeria, Burkina Faso, Mauritania, Angola
Group E
Tunisia, Mali, South Africa, Namibia
Group F
Morocco, Democratic Republic of Congo, Zambia, Tanzania
Be the first to comment