Xulka England Oo Warbixin Kasoo Saaray Dhaawaca Xiddiga Chelsea Ee Cole Palmer


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa war ka heshay dhaawaca soo gaadhay saxeexooda cusub ee Cole Palmer oo waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii Khamiistii ee xulka da’yarta England uu 9-1 ku xasuuqay dhiggooda Serbia.

Cole Palmer ayaa u muuqanayay in uu muruqa bowdada ee dambe uu boobay, shan daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay qaybta dambe, waxaana ay taasi keentay in la beddelo.

Lee Carsley oo ah tababaraha xulka qaranka England ee da’yarta ayaa ka hadlay dhaawaca Palmer, waxaana uu hoos u dhigay khatartiisa, isaga oo yidhi: “Waxa soo gaadhay jugo, xaaladdiisana waanu qiimaynaynaa, balse xaaladdiisu khatar ma aha.”

Inkasta oo aanu Cole Palmer xaqiijin, haddana saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay suurtogal tahay in aanu qayb ka noqon ciyaarta Ukraine ee toddobaadkan ee da’yarta UK, balse Blues aanay wax walaac ah ka qabin in uu dib ugu soo laaban doono ciyaarta koowaad.

21 jirkan oo Chelsea ay kasoo iibsatay Manchester City xagaagii oo ay kasoo bixisay £42.5 milyan oo Gini, ayaa lix ciyaarood u saftay kooxda reer London illaa hadda waxaanu u dhaliyey hal gool, iyo laba kale oo uu caawiye ka noqday.

Mauricio Pochettino oo toddobaadkii hore ka hadlayay sida uu Palmer ula qabsanayo kooxda, ayaa waxa uu sheegay in uu kusoo baxayo marka xorriyad loosiiyo booska uu ka dheelayo, isla markaana uu si qunyar-qunyar ah ula jaan-qaadayo naadiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*