Bayern Myunich ayaa ka fiirsanaysa in bisha January ay si lama filaan ah ugu dhaqaqdo saxeexa xiddiga Manchester City iyo xulka England ee Kalvin Phillips oo 27 jir ah, kaas oo uu tababare Thomas Tuchel doonayo inuu ku xoojiyo khadkiisa dhexe. (Sun)
Manchester City ayaa waxa ay doonaysaa in ay la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Toni Kroos marka uu dhamaado qandaraaskiisu dhamaadka xilli-ciyaareedkan. City ayaa diyaar u ah in 33 jirkan ay sannadkii mushahar u siiso £13 milyan oo Gini. (Mundo Deportivo)
Newcastle waxay kordhisay dedaalka ay ugu jirto in ay la saxeexato kubbad-sameeyaha Arsenal iyo xulka England ee Emile Smith Rowe oo 23 jir ah. (Express)
Dani Olmo oo ah 25 jir afka hore uga ciyaara RB Leipzig iyo xulka Spain, ayaa waxa ku tartamaya Real Madrid, Arsenal iyo Chelsea. (Mundo Deportivo)
Difaaca West Ham iyo xulka France ee Kurt Zouma oo 28 jir ah, ayaa waxa doonaya kooxo ka dhisan Sucuudiga oo doonaya inay la wareegaan bisha January. Hammers ayaa waxay dhinaceeda doonaysaa in beddelka Zouma ay ka dhigato Harry Maguire oo Man United u dheela ama Edmond Tapsoba oo ah 24 jir u ciyaara Bayer Leverkusen. (90min)
Man City, Arsenal iyo Tottenham ayaa dhamaantood la xidhiidhay kooxda Royal Antwerp oo ay ka doonayaan Arthur Vermeeren oo ah 18 jir kubbad-sameeye ah oo ay tayadiisu sarrayso. (90 min)
Manchester United, Chelsea iyo Bayern Munich waxay isha ku hayaan 17 jirka reer Germany ee khadka dhexe uga ciyaara Schalke ee Assan Quedraogo. (Teamtalk)
West Ham waxay heshiis cusub ka saxeexaysaa xiddiga reer Brazil ee Lucas Paqueta oo ah 26 jir ay doonayaan kooxo badan. (Teamtalk)
Be the first to comment